Xukuumadda Oo Ku Dhawaaqday In Ganacsiga Macdan Dhoofintu Somaliland Ka Bilaabmayo 2016-ka

0
408

Hargeysa(Dawan):-Xukuumadda ayaa ku dhawaaqday in  dalka Somaliland sannadka cusub ee 2016-ka in la  bilaabayo  ganacsiga macdan dhoofinta, iyadoo Somaliland ay ka mid noqon doonto dalalka suuqyada caalamka  u iib-geeya macdanaha kala duwan ee dalku leeyahay.
Sidaasna waxa sheegay Wasiirka Wasaaradda Macdanta iyo tamarta Xuseen Cabdi Ducaalle. waxaa kale oo uu xusay in baadhista shidaalka Somaliland meel fiican marayso laguna gudo jiro imika sahamintii dhanka cirka  dhawaanna loo gudbi doono samahimintii dhulka.
“Hawshaasi waa hawl sannadkan gudihiisa bilabantay,meeshii wax laga soo saarayay ayaa la wadaa, waxaa hadda ka soo baxay dhawr Koonteenar oo China la geeyay. Meeshii wax laga soo saarayay wali rasmi ahaan uma aanu furin oo wax soo saar ganacsi ahi muu bilaabmin, waxaanuse rajaynaynaa in si rasmi ah sannadka soo socda ay wax soo saar tijaari ahi u bilaabmo,” ayuu yidhi Wasiirka oo shalay u warramayay laanta afsoomaaliga  ee BBC-da.
 
Wasiirka oo faah faahin ka bixinayay sahaminta shidaalka Somaliland iyo halka ay hadda marayso waxa uu yidhi .“Haddii soo saarka khayraadku fudud yahay dee boqol sanno ayaa laga joogaa intii xorriyadda laga qaatay isticmaarkii. Hadday hawl yar tahay hore ayaynu wax uga arki lahayn haddiiay  macdan noqoto iyo haddii ay shidaal noqotaba. Dalalka qaar waxaa shidaal laga baadhayay sodon sanno ama afartan sanno qaarna intaas in ka badan, markaa marka Illaahay qoray  ayuun bay noqonaysaa inay wax ka soo baxaan.”
 
Wasiirku waxa uu intaa raaciyay “ Qorshuhu wuxuu ahaa sannadkan in wax ka bilaabmaan baadhitaannada shidaalka, haddana hawl baa ka socota dalkeenna oo Baloogyada qaarkood waxaa ka socda sahamintii diyaaradaha, waxaanu jecelahay in sannadka soo socdana ay bilaabanto sahaminta dhulku.”
By: Faysal Xiis Weerar(Afgaab)
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply