Kitaabka Rawaaci Al-aqwaal (Ibnu Taymiye) ayaa qisadan ku qoray: Maalin ayuu Eygu u tegay Libaax oo ah boqorka Xayawaanka , waxaana uu ku yidhi Boqor waxaan doonayaa inaad iga bedesho magaca Ey maxaa yeelay wuu xun yahay. Libaaxii ayaa ku yidhi “ Maxaad ku ogaatay “? Eyga ayaa yidhi “ Dadka ayaaba isku caaya, oo ka xun ku yidhaa Ey” Libaaxii ayaa ku yidhi adigu khaayin ayaad tahay magacan ayuunbaa kuu qalma.
Eyagii ayaa ku yidhi horta maad itijaabisid! Ka dibna Libaaxii ayaa u dhiibay waslad hilib ah, oo ayuu ku yidhi ii hay ilaa berii subaxa. Eygii ayaa habeenkii gaajooday oo kolba dhinac ka eega wasladii hilibka ahayd. Markii danbe ayuu yidhi magacayga Ey , ma mid ka wanaagsan ayaa jira, maxaan gaajo iskaga eegi ? Maya. Ka dibna wuu cunay. Sidaasi ayuu uga mid yahay dadka mid hamiigiisu gaaban yahay , ku qancaya waxa ugu yar ka doorbidaya wax liita arinka wanaagsan oo aan adkaysi u lahayn guusha dhow.