Arooskii Ugu Yaabka Badnaa Dunnida Oo Toddobaadkan Dhacay

0
416

Waxa toddobaadkan caalamka ka dhacay aroos lagu tilmaamay inuu ahaa kii ugu yaabka badnaa aroosyada caalamka ka dhaca sannadahan dambe.
arooskan ayaa ka dhacay wadanka Hindiya,waxaana la sheegay inay ku baxday lacag dhan ilaa £14 Milyan oo lacagta Euro-ga ah,waxaana isugu yimid arooskaasi boqolaal qof oo ka qayb galkiisa xiise u hayey.
wiilka arooska loo dhigay ayaa ahaa nin Milyaneer ah,kaas oo kamid ah dadka ugu lacagta badan wadanka Hindiya,iyada oo arooskiisa la sugaayey muddo dheer.
arooskan ayaa socday muddo lagu qiyaasay ilaa saddex maalmood oo isku bixis ah,waxaana arooska ka ciyaaraayey oo ku sugnaa ilaa 700 oo qof oo si gaar ah loogu soo xulay ka qayb galka arooskan.
arooskan ayaa waxa kasoo qayb galay aadna dadka iyo warbaahinta usii xiiso geliyey Diblomasiyiin reer Hindiya ah iyo jileyaasha filimada ee caanka ah qaarkood,waxaana ninka arooska ah lagu magcaabaa Rohan Mehta,waana wiil da’yar oo shaqadiisa meel hoose oo ganacsi ah kasoo bilaabay.
aabihii wiilkaasi oo isna ah Milyaneer ayaa ah mid isna ganacsiyada hoose ku caan ahaan jiray waqtigii hore intii aanu heerkan gaadhin,waxaana la sheegay inuu hanti ahaan haysto lacag dhan 623 Million oo lacagta Maraykanka ah,waxaanu arooskan ku bixiyey lacag dhan 14 million oo Dollarka Maraykanka ah.
arooskan ayaa noqday kii ugu yaabka badnaa ee caalamka ka dhaca ,ayna ku kulmaan dadka kala duwan oo martabado kala duwan lehi.
 
 

Leave a Reply