Madaxweynaha Somaliland Oo Kulan Xog Waraysi Ah La Yeeshay Masuuliyiinta Wasaaradda Warfaafinta

0
360

Hargeysa (Dawan)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa qasriga madaxtooyada ku qaabilay isla markaana warbixin ka dhegaystay  masuuliyiinta sar-sare ee wasaaradda warfaafinta,  dhaqanka iyo wacyigelinta oo uu Hoggaaminayay  Wasiir Cabdillaahi Maxamed Daahir Cukuse.
 
Sidaasna waxa lagu bayaamiyay war-saxaafadeed uu xalay soo saaray afhayeenka madaxtooyadda Somaliland Md. Xuseen Aadan Cigge (Xuseen Deyr), waxaanu qoraalkiisu u dhignaa sidan:-
“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Siilanyo isagoo gudanaya xilka iyo masuuliyadda uu ummadda u hayo, wuxuu maanta (shalay) (02.12.2015) Qasriga Madaxtooyada kulan kula yeeshay masuuliyiinta sare ee Wasaaradda Warfaafinta, Wacyi-gelinta iyo Dhaqanka. Madaxweyne Axmed Siilanyo isagoo ka duulaya waajibaadkiisa Dastuuriga ah ee ah inuu la xisaabtamo masuuliyiinta uu xilka u igmado, ujeedada ugu muhiimsan ee Madaxweynuhu ugu yeedhay masuuliyiintan waxa weeye si ay uga war bixiyaan wixii Wasaaraddooda sannadkan 2015-ka u qabsoomay, wixii aan u qabsoomin, caqabadaha ka hor yimid iyo weliba qorshaha iyo hiigsiga ay leeyihiin sannadka 2016-ka.
 
Kulankaa waxa shir-guddoominayey Madaxweynaha waxana goob-joog ahaa:
 
Xagga Madaxtooyada: Madaxweyne/ku-xigeenka, Wasiirka Madaxtooyada, Wasiiru Dawlaha Madaxtooyada, Af-hayeenka Madaxweynaha, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada, Xog-hayaha Madax-weynaha iyo La taliyaha Madaxweynaha arrimaha saxaafadda.
Xagga Wasaaradda Warfaafinta: Wasiirka, Wasiir-ku-xigeenka, Agaasimaha Guud, Maareeyaha TV-ga, Maareeye/ku/xigeenka iyo Agaasimaha Qaybta Farsamada.
 
Ugu horraan waxa hadalka bilaabay Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Wacyi-gelinta iyo Dhaqanka Mudane Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse) oo si aad u faah-faahsan uga war bixiyey siyaasadda guud ee Wasaaraddiisa oo ah baahinta wararka, tabinta aqoonta, madadaalada iyo kobcinta dareenka waddaniyadda lana gaadhsiiyo dhammaanba dadweynaha Jam. Somaliland, taasoo qayb ka ah siyaasadda guud ee Dawladda JSL ee ku wajahan horumarinta bulshada xag dhaqan iyo xag dhaqaaleba. Wasiir Cukuse wuxuu tilmaamay waajibaadka Wasaaraddiisa saaran ee arrimaha wacyi-gelinta bulshada, baahinta masiirka ummadda Somaliland, adkaynta midnimada iyo wada-jirka ummadda.
 
Sidoo kale, Wasiir Cukuse wuxuu sheegay in Wasaaraddiisa iyo hawl-wadeenadeeduba ay si weyn ugu baraarugsan yihiin kaalintooda ah inay hormood ka noqdaan warbaahin mihnad-yaqaan ah oo tayo leh. Wasiir Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse) wuxuu tilmaamay in Wasaaradiisu ay Qaranka uga wakiil tahay bixinta adeeg dadweyne oo xagga war-baahinta ah oo tayo leh. Sidaa darteed in looga fadhiyo inay tusaale u noqdaan hay’adaha kale ee warbaahineed ee dalka ka jira, ha noqoto xagga sugnaanshaha wararka, ku dhaqanka xeerarka iyo asluubta saxaafadda ama ha noqoto xagga wacyi-gelinta bulshada iyo madadaalada.
 
Wasiir Cukuse wuxuu sheegay in Wasaaraddiisu ay ka kooban tahay 8 Waaxood oo muhiim ah, kuwaasoo kala ah: Waaxda Maamulka, Waaxda Farsamada, Waaxda Idaacadda, Waaxda Teefishanka (SLNTV), Wakaaladaa Wararka (SOLNA), Waaxda Wargeysyada Dawan, Waaxda Qorshaynta, Waaxda Dhaqanka. Wasiirku wuxuu sheegay in qaybaha kala duwan ee Wasaaraddiisu (sida TV-ga, Xarunta Wargeysyada Dawan, SOLNA iyo Radio-ga) ay sannadkan 2015-ka ku tallaabsadeen horumar muuqda oo la taaban karo, sidoo kalena uu jiro hiigsi Wasaaraddiisa u astaysan oo ay ku tallo jiraan inay ka dhabeeyaan sannadka 2016-ka.
 
Kulankii xog-waraysiga ahaa ee uu Madaxweyne Axmed Siilanyo ugu yeedhay Wasaaradda Warfaafinta, Wacyi-gelinta iyo Dhaqanka waxa iyaduna ka war bixisay Wasiir-ku-xigeenka Marwo Shukri Xariir oo si qoto dheer uga xog warran tahay wax-qabadka iyo horumarka ay Wasaaraddu sannadkan ku tallaabsatay iyo weliba baahiyaha daruuriga ah ee wax-ka-qabasho u baahan. Marwo Shukri Xariir waxay tilmaantay doorka ay Wasaaraddeedu ku leedahay horumarka bulshadeena, sidaa darteedna ay lagama maarmaan tahay inay qayb laxaad leh ka qaataan fulinta iyo hirgelinta qorshayaasha iyo hadafka ay Xukuumaddu leedahay xilliga dhaw iyo xilliga dheerba. Wasiir-ku-xigeenku waxay sheegtay sida ciidamada qalabka sida ee dalka cadowga ka difaaca oo kale, in Wasaaradda Warfaafinta, Wacyi-gelinta iyo Dhaqanku ay yihiin ciidanka labaad ee hadh-iyo-habeenba heeganka ugu jira difaaca qarannimada, balse ay iyagu ku hubaysan yihiin qalin, qoraal, odhaah, war iyo wacyi gelin joogto ah. Marwo Shukri Xariir waxay sheegtay in loo baahan yahay in la tayeeyo oo la horumariyo Wasaaradda si ay ula jaan-qaadi karto hadba xilliga taagan iyo duruufaha ka jira mandaqadda ay ku naalo iyo dunida kaleba.
 
Kulankii xog-waraysiga ahaa waxa iyaguna hadal ka soo jeediyey Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maxamed Cilmi Aadan, Maareeyaha TV-ga Cabdi Cali Mahdi, Maareeye ku xigeenka TV-ga Qaasim Xasan Mataan iyo Agaasimaha Waaxda Farsamada Axmed Saleebaan oo dhammaantoodba Madaxweynaha kala hadlay talaabooyinka Wasaaraddu xagga horumarka u qaaday iyo baahiyaha muhiimka ah ee wax ka qabashada u baahan.
 
Waxa iyaguna kulankaa hadal kooban oo miisaaman ka soo jeediyey M/weyne/k/xigeenka JSL Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) iyo Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Mudane Maxamuud Xaashi Cabdi oo masuuliyiinta Wasaaradda Warfaafinta, Wacyi-gelinta iyo Dhaqanka ku booriyey inay mudnaanta koowaad siiyaan sidii ay bulshada u siin lahaayeen adeeg-warbaahineed oo tayo leh isla markaana ay ku dadaalaan sidii ay u fidin lahaayeen siyaasadda guud ee Xukuumadda.
 
Ugu dambayntii, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo oo si aad u qoto dheer u dhegaysanayey su’aalana ka weydiinayey xog-warranka ay bixinayeen masuuliyiintii hor fadhiday, wuxuu kulankii ku soo gaba-gaboobay hadal dar-daaran iyo dhiirrigelinba ahaa oo uu Madaxweynuhu u soo jeediyey masuuliyiinta Wasaaradda Warfaafinta isagoo dhammaantoodba ku booriyey inay sida ugu habboon u gutaan waajibaadka iyo xilka ay ummadda u hayaan.”
By. Axmed M. Saleebaan
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply