Mid Ka Mida Qabriyadii Faraacida Oo Waxyaalo Cusub Laga Helay

0
379

Khubarada uu hogaaminaayey ninka lagu magcaabo Nicholas Reeves iyo ninka kormeeraha ka ah baadhitaanadaasi ee ka socda qaybta dalxiiska wasaaradda dalxiiska Masar ayaa sheegay markii ugu horeysay in ay ogaadeen in aanay isku mid ahayn labada boqor ee  Tutankhamun iyo Mkhrtan.
waxa halkaasi toddobaadyadii ugu dambeeyey ka socday baadhitaano lagu kala ogaanaayey labadasi Boqor oo ay khubaro Faransiis ahi hore u sheegeen inay isku mid yihin,iyada oo ay hadda baadhitaankan sameeyeen khubaro ka socotay Masxafka Ingiriiska ee Ataartu.
khubaradan ayaa qabriga boqorkaasi intii ay qodayeen waxay heleen dhego iyo fargalo ay sheegeen inay la hayd boqoradii la odhan jiray Mshoha,kuwaas oo loo sameeyey ama loo nashqadeeyey qaabab kala duwan oo soo jiidasho leh.
baadhitaanadan ayaa ka dambeeyey kadib markii dhowaan baadhitaano lagu sameeyey qubuuro ay ku aasan yihiin qaar kamid ah boqoradii maamuli jiray boqortooyadii Faraacida ee wadanka Masar maamulkiisa haysay muddo dheer.
waxanay waqtigani noqonayaa markii labaad ee ninkan Saynisyahanka ah ee u dhashay wadanka Ingiriisku baadhitaano ku sameeyo qubuurahaasi,isaga oo horena usoo saaray albaabo qarsoonaa oo ku yaaley halka uu ku aasnaa boqor Tutankhamun ,kaas oo boqortooyada Faraacida maamulaayey muddo 9 sanno ah,taas oo ku beegan laga soo bilaabo 1332 ilaa 1323 BC.
boqorkan Tutankhamun ayaa taariikhyahanadu sheegaan inuu ku dhintay da’ahaan isaga oo jiray 19 sanno jir,waxaana dhalay ooo aabo u ahaa boqorkii lagu magcaabi jiray Akhenaten iyo gabadhiisii Nefertiti .

Leave a Reply