Qolfoof Diin-soor Oo Taariikhi Ah Oo Xatooyo Laga Badbaadiyey

0
425

Lafo kamid ah lafaha taariikh ahaanta loo dhigo masxafyada wadanka Ingiriiska ayaa xatooyo la doonaayey in lagu iibiyo laga badbaadiyey.
nin u dhashay wadanka Ingiriiska ayaa isku deyey inuu xado lafahan oo kadibna iibiyo,iyada oo ay kamaradaha masxafkaasi qabteen ninkaasi,waxaanu ninkani doonaayey inuu iibiyo lafahaasi,waxaanu kusoo baayacay lacag dhan ilaa 750,000 oo Dollar.
ninkan oo kasoo jeeda qoys fuqoro ah ayaa lagu qabtay lafahan oo ah diinasoor yar oo laga kenay wadanka Australia,kana mid ah xayawaanada dhif iyo naadirka ahaa ee caalamka laga heli jiray waqtiyo hore kuwii ugu dambeeyey.
saynisyahanada ayaa sheegay in dinasoortani kasoo jeeday qoyska lagu magcaabo Alolousourat,kaas oo waqtiyo hore ku noolaan jirtay Alaska,waxaanay sheegeen inuu yahay qoyskaasi ka ugu balaadhan ,kuwaas oo noolaa 145 ilaa155 million sanno ka hor.
qolfoofkan ama lafahan ayaa ah xayawaanka keliyaata ee Dinasoor ah ee laga hayo Qoyskaasi ama Family-gaasi,iyada oo lafahan laga helay waqti hore gobolka Wyoming iyo wadanka Maraykanka shan sanno ka hor.
lafahan ayaa jiray da’ahaan 155 million oo sanno,iyada oo ay dherer ahaan gaadhayaan ilaa 2.7 meters,waxaana u dhan ilkihii oo toban ah iyo sidoo kale daamankii,waxaana sidoo kale u dhan gebi ahaanba lafihii oo aaan xabadi ka dhinayn.
lafahan ayaa la dhigay meel adag oo ay adag tahay in laga gaadhaa ama laga qaadi karaa,iyada oo kamarado gaarana lagu rakibay.
 

Leave a Reply