Weedho Isku Macno Ah Haddana Kala Duwan!

0
701

Nin boqor ah ayaa habeen riyooday. Markii waagii beryay ayuu u yeedhay sheekh riyada fasira Boqorka ayuu ku yidhi “ Xalay waxaan ku riyooday ilkaha oo iga wada daatay”, bal ii fasir riyadan. Sheekhii ayaa ku yidhi ma hubtaa ? haa waan hubaa ayuu yidhi.   Sheekhii ayaa yidhi “ Riyadaadu waxay sheegaysaa in ehelkaagu madhan doonaan oo ay hortaa wada dhiman doonaan”. Boqorkii ayaa cadhooday oo yidhi hala xidho.
Sheekh labaad ayaa loogu yeedhay  markii uu riyadii u sheegay.  Sheekhii ayaa ku yidhi isagoo faraxsan “ Maansha Allaha , riyadu waxay sheegaysaa inaad adigu tahay mid ka cimri dheer ehelkiisa”.  Boqorkii ayaa farxay oo hadyad siiyay.  Bal u fiirso fasiraadda labada sheekh waa isku mid laakiin sida ay  Boqorka u fahansiiyeen ayaa kala duwan.
Ehelkaagu way wada dhimanayaan adiga hortaa = Waxaad tahay mid ka cimri dheer ehelkiisa. Odhaahda wanaagsan ayaa ku soo jiida abaalka weyn.

Leave a Reply