Shacbiga Somaliland Oo Ku Diirsaday Hindise Madaxweyne Siilaanyo Ku Suulinayo Sicir Bararka

0
418

Hargeysa(Dawan)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa  Guddi ka tirsan xukuumadda u saaray inay ka soo tallo-bixiyaan qorshe wax lagaga qabto sicir bararka saameeyay nolosha danyarta Somaliland. Tallaabadaasi oo rayul caamka bulshaddu si weyn u soo dhaweeyeen.
 
Go’aankan taariikhiga ah ayay niyadsami u soo dhaweeyeen shacbi-weynaha Somaliland, iyadoo weriyeyaasha DAWAN ee gobollada dalku ay ku soo waramayaan in dadweynaha iyo shaqaalaha dawladdu  u riyaaqeen hindisahan Madaxweyne Axmed Siilaanyo doonayo inuu ku suulliyo sicir-bararka aan joogsiga lahayn ee bulshadda Somaliland ku lammaanaa 25-kii sannadood ee la soo dhaafay.
Rayul caamka bulshaddu waxase ay sheegeen in loo baahan yahay in ficilka madaxweynaha  la rumeeyo oo guddidani  guntiga u xidhato sidii ay soo diyaarin lahaayeen qorshe gunta lagaga jarayo sicir-bararka iyo qiime dhaca shilinka  Somaliland.
 
Guddidan madaxweynaha Somaliland u magacaabay ka soo tallo-bixinta sicir-bararka waxa Guddoomiye u ah  Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdiaahi Ismaaciil (Saylici), sida uu sheegay afhayeenka Madaxtooyadda Somaliland Md. Xuseen Aan Cigge (Xuseen Deyr) oo khamiistii soo saaray war-saxaafadeed u qornaa sidan:-
 
 
“Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo waxa uu  Digreeto madaxweyne ku magacaabay Guddi Shan xubnood ka kooban oo soo baadha kana soo tallo bixisa sicir-bararka dalka ka jira, oo uu gudoomiye u yahay Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland.
 
Xubnaha Guddida

  1. Madaxweynaha ku-xigeenka JSL (Guddoomiye)
  2. Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda (G/ku xigeen)
  3. Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada         JSL
  4. Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha
  5. Guddoomiyaha Baanka Dhexe ee JSL

 
Waajibaadka Guddida
 
Mudanayaal iyo Marwo: Masuuliyadaha iyo waajibaadka muhiimka ah ee Xukuumadayda ka saaran xagga arrimaha dhaqaalaha dalka waxa ka mid ah la socodka qiimaha shilinka Somaliland iyo kolba heerka uu marayo sicirka suuqu (korodh iyo hoos u dhacba). Sida aad la wada socotaan, dalkeenna waxa ka jira sicir-barar ba’an oo saamayn toos ah ku yeeshay nolol maalmeedka bulsha weynta Jamhuuriyadda Somaliland.
 
Haddaba,Mudanayaal iyo Marwo, waxa lagama maarmaan ah in arrintaa si qoto dheer loo soo baadho, looga soo war bixiyo isla markaana laga soo ururiyo xog waafi ah oo lagu go’aan qaato. Sidaa darteed, Guddi ahaan waxaan idin farayaa inaad xog buuxda iga soo siisaan sicir-bararka dalka ka jira, kana soo tallo bixisaan wixii arrintaa lagu xallili karo.”
 
D
 
By: Cumar M.Faarax
awannews Hargeysa office

Leave a Reply