Jarmalka Oo Amaray In Shirkada Volkswagen Ay Dib U Soo Celiso Inkabadan 2 Malyan Oo Baabuur

0
314

Wasiirka gaadiidka ee Jarmalka ee Alexander Dobrindt, ayaa sheegtay in hayadda mas’uulka ka ah gaadiidka ay ku amartay Volkswagen inay macaamiisha ka soo celiso 2.4 milyan oo baabuur nafto ku shaqeeya.
Shirkadda oo ku dhex jirta fadeexo, kadib qiyaamo ay ku samaysay macaamiisheeda markii la tijaabinayay qiiqa ay baabuurta ku siidaayaan hawada, ayaa sheegtay inay filanayso inay soo celiso baabuurta ay saamaysay tijaabada aan saxda ahayn bisha Janaayo si loo sameeyo.
Isagoo ka hadlaya shir jaraa’id ee lagu qabtay Berlin, Mr Dobrindt, ayaa sheegay in Volkswagen ay u baahan tahay inay bixiso faahfaahin qorshaheeda soo celinta baabuurta dhamaadka November.
Volkswagen ayaa ku qiyaasaysa ilaa kow iyo toban milyan oo baabuurteeda caalamka inay saamaysay fadeexada, siddeed milyan oo ka mid ah baabuurta ayaa Yurub laga iibsaday.

Leave a Reply