Wasiir Bayaamiyay In Masuuliyadiisii Uu Faraha La Soo Galay Safiirka Somaliland u Fadhiya Addis-ababa

0
283

Hargeysa(Dawan):- Wasiirka waxbarashadda iyo tacliinta sare Mr. Cabdilaahi Ibraahim Habane (Cabdilaahi dheere), ayaa  dhaliilay safiirka Somaliland u fadhiya Itoobiya  Maxamuud Aadan Jaamac (Galaal) oo uu sheegay inuu faraha la soo galay shaqo aanu u xil saarnayn, waxaanu is weydiiyay xilliga danjiruhu isu bedalay  Wasiirka Waxbarashadda.
Wasiirka Tacliintu waxa uu ka xumaaday Danjire Galaal oo  toddobaadkii hore sheegay in si cadaalad ah ay u qeybiyeen Deeq waxbarasho oo Itoobiya siisay Somaliland.
Cabdilaahi Ibraahim Habbane waxa uu arrintaas kaga hadlay shir jaraa’id oo uu shalay ku  qabtay  xafiiskiisa, waxaanu sharaxay gefaf maamul oo uu xusay inuu ku tallaabsaday safiirka Somaliland u fadhiya Itoobiya.
“Safiirka Somaliland ee Addis-ababa  ayaa ka hadlayay deeqdaas  oo lahaa caddaalad baanu ugu qeybinay, dugsiyada hadlayayna qabyaalad bay ku hadlayaan, goormuu  isagu Wasiirkii waxbarashada noqday? goormuu isagu imtixaannada qaaday? oo uu ogaaday ka sarreeyay iyo ka hooseeyay? Arrimahaasi gef weeye. Haddii aan ka waramo wasaaradda arrimaha dibadda soo khalad maaha? Wuu na waydiin karaa wuxuu odhan karaa, wixii la ina siiyay siduu innaga noqday ama war iga soo siiya,wuu ina odhan karaa,waayo wuu inna metelaa oo magaceenna ayuu ku fadhiyaa Itoobiya. laakiin, caddaalad bay ahayd, annagaa qeybinay, kuwa hadlayaa qabyaalad bay ku hadlayaan inuu yidhaahdo maaha. Goormuu (Safiirku)  isagu dadka Imtixaanaad ka qaaday, goorma ayuu natiijadooda soo saaray? Waar nin walba dariiqiisa inuu garto weeye,” Ayuu yidhi Wasiirka Waxbarashadda iyo tacliinta sare.
Wasiirku isagoo hadalkiisa sii watay waxa uu intaas ku kabay “Deeqdii waxbarasho ee aynu ka helnay dalka Itoobiya waxay noqotay  50 arday,kontonkii ardayna way innoo qeybsami waayeen  kadibna waanu hakinay waxaanan uga gudubnay in aanu Jaamacadaha dalka ku qasabno in ay qaataan 336 arday oo u badan agoon iyo danyar aan awoodin in ay iska bixiyaan kharashka jaamacaddaha , taasna lagaga maarmo konton arday oo aan innoo qaybsamayn.”
Wasiir Cabdilaahi Dheere oo daba socday hadal ka soo yeedhay Raysal wasaare ku-xigeenka Soomaaliya oo ah nin u dhashay Somaliland hase yeeshee khiyaamo qaran dadkiisa ka galay, waxaanu yidhi  “Had iyo jeer innagu deeq waxbarasho ma helno, magacii Soomaaliya cid baa ku shaqaysanaysa, Ina Carte Qaalib baa maalin dhawayd lahaa deeqaha waxbarashadda waannu u dirnaa, yuu u soo diraa? ma Xamar buu ka iibiyaa?, yaase u wakiishay inuu innaga (Somaliland)  wax innoo soo diro.Soomaali laba kala madax-bannaan bay ahayd, qeyb waqooyi ah iyo qeyb Koonfur ah, caalamkuna inuu sidaa wax u siiyo weeyaan.laba  dal oo  kala madax-bannaan baan ahayne waa in aynu qeybteenna (Entity) wax ku hellaa. Haddii aanu dal ahaan nabad nahay oo dalkayaga hagaajisanay waa inuu caalamku gacan na siiyaa. Soomaaliya annaga  (Somaliland) ayaa xornimadda ka hor qaadanay. qolo waliba dambaskeedii bay fadhidaaye, haddii caalamku  wax tarayaan qolo kasta halkeeda wax ha ku taraan.”
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply