Deegaanka Biingaala ee dalka Indoniisiya ayaa ah mid ay dadka badankiisu aanay dhegaha waxba ka maqal oo dhego culus. Bulshadan ayaa adeegsata tilmaamaha gacmaha ee dhegoolayaasha. Barashada luqada gacmaha ayaaa tuuladana ka noqotay arrin daruuri ah oo aanay ka maarmi Karin si ay isu fahmaan dadka kale. Deegaankan ayaa muddo adeegsanayay luqadaa dhegoolaha.
Dakhaatiirta ayaa sheegay in dadka deegaankan uu ka maqan yahay dareen wadaha loo yaqaan “PDF NBA 3” recessive oo ah kan qaabilsan maqalka codka. Dadka deegaankan oo tiradoodu dhan tahay 3000 qof ayaa iyagu u arka arrin wanaagsan dhego la’aanta. Waxayna adeegsata luqadaasi tilmaamaha oo ay u yaqaaniin Katakaluk waana mid caan ka ah dhexdooda. Waxaana la baraa caruurta luqadan. Bulshadan ayaa u aaminsan in dhego la’aanu ay tahay nimco weyn oo la siiyay.