Hargaysa (Dawan): Xildhibaan Siciid Maxamed (Libaax), oo ka mid ah mudaneyaasha Golaha Guurtida ayaa sheegay haddii lacagta shilinka Somaliland qiimo dhaco, qofka ugu horeeya ee lagula xisaabtamayaa uu yahay Guddoomiyaha baanka dhexe oo masuuliyadiisa ay tahay ilaalinta qiimaha lacagta waddanku.
Waxa kale oo uu soo dhaweeyay guddidii Madaxweynuhu u magacaabay inay ka soo tallo-bixiyaan sixir bararka. Waxaanu sidaasi ku sheegay Xildhibaanku mar uu shalay u warramayay warbaahinta qaranka.
Xildhibaan Siciid Maxamed Libaax waxa uu naqdiyay Ganacsatadda dalka oo uu ku sifeeyay qaar naxariis darran. “Ganacsatada waxaan leeyahay waa la idin arkayaa qiimaha aad wax ku soo iibsataan iyo halka aad wax ka soo iibsataan, waana la fashilin doonaa qiimaha ay maraakiibta ay ku soo rartaana waanu ognahay, qabyaalada ay ku gaban karaana maanta ma jirto. Sharciga ayaa ganacsatada lagu dhaqayaa, ayaanay moodin dhaqaalaha ay haystaan inay kaga baxsanayaan. Dadka qaar ayaa waxay aamineen in lacagta ay haystaan sharciga kaga adag yihiin,”ayuu yidhi xildhibaan Libaax. Xildhibaanka oo hadalkiisa sii watayna waxa uu yidhi “Ganacsaduhu waa nin jecel faa’iido ama ha yaraato ama ha bad-naato, oo waxay ku dhaqmaan wax la yidhaahdo faa’iido buuran. Markaa isagu umadda danaynmaayo, umadda haddii aanu helin sharci qabtaa oo xakameeya”.
“Dalkeennu waxa uu u baahan yahay in xagga shuruucda laga dhiso. Waayo waxbarashadii waxay noqotay ganacsi, caafimaadkii waa ganacsi. markaa waxa loo baahan yahay in sharciga dadka lagu dhaqo,”ayuu ku dooday Xildhibaanku. Xildhibaanku waxa uu kale oo uu sheegay in sarifka lacagaha ee kor u kacay uu masuuliyadeedda leeyahay guddoomiyaha baanka dhexe. Waxaanu yidhi “Lacagaha siyaasadooda waxa ku shaqo leh guddoomiyaha baanka dhexe, haddii lacagtu qiimo dhacdo ninka koowaad ee lala xisaabtamayaa ee ay ahayd inuu ilaaliyo sarifka lacagta waa guddoomiyaha baanka isagaana awoodu leh inuu ilaaliyo isku bedalka doolarka iyo kaashka haddii sarifku kor u kaco oo fashil yimaado waa shaqadii guddoomiyaha baanka ma dhaleelaynayo mana cambaaraynayo ee waa shaqadiisii waana inuu wax ka bedalo sarifkan kor u kacaya.”
Dhinaca kale xildhibaan Libaax waxa uu sheegay in uu soo dhaweynayo gudidii madaxweynuhu u magacaabay in ay soo darsadaan sixir bararka dalka ka taagan waxaana uu yidhi “Waxaan soo dhawaynayaa guddidii madaxweynuhu magacaabay inay ka soo tallo bixiyaan sixir bararka dalka ka jira oo ah dhibaato dalka ka taagan dareenkaa waan la wadaagayaa. Waxaanad moodaa in sixir bararka laftiisu uu galay kootooyin dhaqaale qolada ganacsata ahna aad baa loo eegi doonaa iyadoo lagala kaashan doono wasaarada ganacsiga. Waayo wasaaradaas ayay tahay in ay eegaan dhaqaalaha dalku halka uu marayo annaguna gole ahaan waanu kala shaqayn doonaa gudiddaa madaxweynuhu u magacaabay sixir bararka waa arrin loo baahnaa oo u baahan in wax laga qabto waana tallaabo horumar ah oo hore loo qaaday oo wax loogu tarayo dadka Somaliland.”
Dawannews Hargeysa office