Guddi Horgeysay Wakiiladda Warbixin Ay Kaga Dayriyeen Adeegyadda Caafimaadka Iyo Waxbarashadda Ee Tog-dheer Iyo Sanaag

0
315

Hargeysa (Dawan):-Guddi hoosaadka arrimaha bulshada iyo diinta ee Golaha Wakiilada ayaa shalay aqalkaasi ka hor jeediyay warbixin ay ka soo saareen kormeer ay ku mareen gobollada barriga dalka oo ay sheegeen in  adeegyadda waxbarashadda iyo caafimaadku gurmad deg-deg ah iyo wax-qabad  u baahan yihiin.
 
Fadhigii shalay ee Golaha Wakiiladda oo uu gudoominayay Guddoomiye ku-xigeenka koowaad Md. Baashe Maxamed Faarax, waxa xildhibaanadda warbixintooda ka hor akhriyay Guddoomiyaha Guddida Arrimaha bulshadda Cabdiraxmaan Cismaan Caalin Cabdi-raxmaan Dheere).
 
“Gudoomiyaha wasaaradda waxabarasha ee gobolka Togdheer oo ay hoos yimaadaan saddex gobol oo kale waxa uu maamulaa 184 dugsi, hoose dhexe ah iyo 26 dugsi oo sare, dugsiyadaas waxa ka hawl gala  1035 qof, oo 577 ka mid ahi aanay mushahar qaadan.Masuulka  xukuma dadkaasi wax gunno ah ma qaato shidaalkuna wuu ku yar yahay. “Hay’ddaha dugsiyadaa qaarkood taageeraa marka uu mashuucu ka dhammaado way iska baxaan, taasina waxay keentaa in hawshii ku soo baxsato wasaaradda waxabarashadda Markaa waxa loo baahan yahay in la iska kaashado sidii arrimahaas wax looga qaban lahaa,”ayuu yidhi Guddoomiyaha Guddi hoosaadka arrimaha bulshadda ee aqalka wakiiladdu.
 
 
Xildhibaan Cabdiraxmaan Dheere, waxa uu sheegay in adeegyadda caafimaad ee gobollada Tog-dheer iyo Sanaag aad u hooseeyaan, waxaanu yidhi  “Xaaladda adeegyadda  caafimaadka magaalooyinka Burco iyo Ceerigaabo aad bay u liidataa. Shaqaalaha cusbitaalka guud ee magaalada Burco, saddexdii bilood ee ugu dambeeyay wax mushahar ah may qaadan. Arrintaasi waxay u baahan tahay in wax laga qabto.”
 
“Waxaan soo jeedinaynaa In Golaha Wakiiladdu xukuumadda ka dalbadaan in siyaasad cad ay ka yeelato Ha’yadaha iska baxaya, waxbarashadda iyo caafimaadku waa meelaha innoogu xasaasisan. Marka ay Ha’yad mushahar siinaysay 300 oo shaqaale ahi ay dalka ka baxdo, oo ay dawadii ay bixinayaan ay joogsato sida ka dhacday gobolka Tog-dheer. Waxa Magaaladda Burco ka baxday Ha’yaddii MSF ee gacanta ku haysay cisbitaalka guud ee Burco. Dhammaan  hawlihii caafimaadka ee ka jiray Burco dhulka ayay yaallaan. Ceerigaabo iyagana Ha’yad ayaa ka baxday labadaas gobolba adeegyadooda caafimaad way hooseeyaan. Wax ka socdaana ma jiraan,”Ayuu yidhi Xildhibaanku.
 
 
Xildhibaan Cabdiraxmaan Dheere oo hadalkiisa sii watay waxa uu yidhi “Cisbitaalka Burco waanu tagnay, waxa uu ku socdaa dawooyin yar-yar oo ay iibsadaan, taasi oo ay ururiyaan lacagta ka soo baxda dawadda ayay mushaharka shaqaalaha ku bixiyaan. Saddexdii biloodba mar ayay wax bixiyaan.”
 
Mar uu gudoomiyaha guddidaasi ka hadlaayay kulan ay la yeesheen masuuliyiinta  dawladda hoose ee magaalada Burco waxa uu yidhi  “Masuuliyiinta dawladda hoose ee magaalada Burco waxay noo sheegeen in ay gacan ka gaystaan waxbarashada aasasiga ah iyo caafimaadkaba. Dawladda hoose waxa kale oo ay noo sheegeen in ay gacan ka gaystaan dusiyo sare ee ku kala yaala xaafadaha, Cabdiqaadir Koosaar, Cali Xuseen, Aadan Saleebaan iyo Yaroowe oo ay degan yihiin dad danyar ahi.”
 
Gudoomiyaha guddidani mar uu ka hadlayay waxa ay guddi ahaan ku talinayaan ayaa waxa uu yidhi “Xildhibaanada halkan fadhiyoow Burco iyo gobolladaas  kale aanu soo sheegnay gurmad bay uga baahan yihiin xagga waxbarashada iyo caafimaadkaba uga baahan yihiin. Waxaanu soo jeedinaynaa in macalimiinta aan mushaharka  qaadan miisaaniyada lagu daro mushaharkii ay qaadan lahaayeen.”
Guddidan ayaa waxay sheegeen in ay soo ururiyeen xaaladda waxbarashadda iyo caafimaadka ee gobollada Togdheer, Oodwayne,Buuhoodle iyo Caynaba.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply