Wasiir Xaglo-Toosiye Oo Reer Burco Ugu Baaqay In Ay Joojiyaan Cabashadda Badan

0
283

Burco (Dawan)- Wasiirka wasaaradda caafimaadka Somaliland Dr. Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo-toosiye) ayaa dadweynaha ku dhaqan magaalada Burco ugu baaqay inay iska yareeyaan Cabashada badan, maadaama oo Xukuumaddu wax badan ka qabatay Cisbitaalka Burco, isla markaana ay dhaqaale badana gelinayso Caafimaadka.
 
Dr. Saleebaan Xaglo-toosiye waxa uu sidaasi ku sheegay hadal uu shalay ka jeediyay munaasibad lagu qabtay cisbitaalka guud ee Magaalada Burco oo lagu soo dhawayaynay Marwada koowaad ee qaranka Somaliland Marwo Aamina Weris iyo wefti ay hogaaminayso oo ku sugan Burco.
“Sida aad aragtaan Cisbitaalka Magaalada Burco wuu shaqaynayaa, inkasta oo reer Burco ay cabanayaan, haddana Cisbitaalku wuu shaqaynayaa. Burco waxay u baratay oo Cabashadda keenaya hay’ad MSF la yidhaahdo ayaa joogi jirtay oo bishii ku kharash-garayn jirtay laba boqol iyo konton kun oo doollar, kaalintii waanu buuxin kari waynay laakiin cisibtaalku wuu shaqaynayaa, dawladduna way dedaalaysaa, waxba maanu hagran ee waxa aynu haysano aynu iimaansanno oo cabashadda badan aynu iska dayno,”Ayuu yidhi Wasiirka Caafimaadku.
 
Wasiir Xaglo-toosiye waxa kale oo uu sharaxaad ka bixiyay Cisbitaalka Burco iyo qaabka uu shaqeeyo, isaga oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu ydihi “Halkan waxaa ka hawl-gala dhakhaatiir badan, qeybaha kala duwan ee Cisbitaalkuna way shaqeeyaan, waxa kale oo jira waxaanu  dhawaan u soo bedelnay dhakhtarka weyn ee caanka ah  Dr. Carabayte, waxyaabaha aanu u soo bedelnayna waxaa ka mid ah in uu wax ka qabto oo uu horumariyo cisbitaalka.”
 
Wasiirku waxa kale oo uu intaa ku daray “Waxa kale oo Cisbitaalka Burco oo kaalinta koowaad ugu jiraa sanduuqa horumarinta Somaliland (SDF), waxaa sannadkan ku jira Cisbitaalka Burco iyo cisbitaalka Boorame, sannadkii hore waxaa laga maal-geliyay cisbitaalka  Laascaanood iyo ka Ceerigaabo sannadkan waxaa qorshaysan cisbitaalada Burco iyo Boorame.”
 
“Waynu isku tashanaynaa, hay’ad dambe inta ay cirka ina gayso innaga oo aan diyaarsanayn innaga tagi mayso, waxaynu haysanno ayaynu quruxsanaynaa, hagaajisanaynaa, waynu isku filan nahay, dhakhaatiir badan ayaynu haysanaa,” ayuu yidhi Wasiirka wasaaradda caafimaadka Somaliland Dr. Saleebaan Ciise Axmed Xaglo-toosiye.
 
 
 
 
 
 
 
 

Leave a Reply