“Waxaan Dawladda Ugu Baaqayaa In Haantan Khuburro Baadha Loo Soo Diro”

0
577

By: Faysal Xiis Weerar(Afgaab)
Ceerigaabo(Dawan):- Xildhibaan Qamar Maxamed Saalax oo ka tirsan golaha degaanka degmada Ceerigaabo,ayaa mar kale qaylo dhaan u dirtay dawladda dhexe ee Somaliland oo ay ugu baaqday in ay deg-deg wax uga qabato una ogaato Walax  muuqaalkeedu gantaal u eg yahay oo ku soo caariday xeebaha gobolka Sanaag oo muddo halkaa yaalay.
 
“Walaxdani   waxay ka soo baxday badda degmada Laaso-Surad,meel  u jirta ugu badnaan 20 KM.  magaaladda  Laaso-Surad ayay taalla oo ah dhul xoolo daaqeen ah waxaanay u muuqaal eg tahay Gantaal laakiin waxaa loo malaynayaa in ay tahay waxyaabaha lagu shubo qashinka badaha lagu aaso waana halis degaanka dhex taalla oo u baahan wax ka qabasho,” ayay tidhi Xildhibaan Qamar, oo xalay  khadka Telefoonka kula soo xidhiidhay Wargeyska DAWAN.
 
Xildhibaan Qamar oo hadalkeeda sii wadatay ayaa intaa ku dartay “Wax  haantaa gantaalka u eg ee imika  bishii labaad u socoto intay halkaa taallay cid eegtay oo aqoon u leh  ma jirto.  Waa  halis dadka iyo degaankaba dhex taalla oo aan la iska eegin. Waxaan  dawladda dhexe ugu baaqayaa in ay haantan u soo diraan khubarro aqoon u leh oo baadhitaan ku samaysa isla markaana eegta waxay tahay iyo waxa gudaheeda ku jira,  haddii ay noqoto waxyaabaha Sunta ah ee badaha lagu aaso noqotona  waxaynu u baahan nahay in aynu ogaano cidda baddeenna ku aastay si aynu ugula xisaabtanno. Waxaana   taa ka horraysa oo loo baahan yahay in marka hore deg deg looga hawl galo in aynu haantan ogaano waxa ku jira si aynu dadkeena iyo deegaankeena uga badbaadino halis iyo khatar haddii ay sun tahay ka soo gaadhi karta.”  Xildhibaan Qamar oo aanu waydiinay cidda imika haantan gacanta ku haysa  iyo goortii ay soo caariday ee ay badda ka soo baxday iyo illaa imika in ay arkeen ogaalkood cid shaygani ka soo lumay oo baadigoob ugu jirta,ayaa ku jawaabtay.  “Waxay haantan gantaalka u eg pp dhererkeeduna yahay lix mitir joogeeduna yahay hal Mitir markii  Badda Soomaaliya duufaantu ka  kacday. Waxaana  loo malaynayaa in markaa duufaantu dhacday in ay mawjadihii badda hoosteeda ka kacay soo saareen isla markaana ay ahayd haan sun ay ku jirto oo badda lagu aasay duufaantaasina ay soo saartay,waxaana markii hore gacanta ku dhigay oo soo sheegay dadkii degaanka oo gaadh ka qabtay kana ilaaliyay in ay caruurtu ku ciyaarto oo ay waxan isku furan.
 
Imikana  waxaa gacanta ku haya oo la wareegay ciidanka Ilaalada Xeebaha oo goobta ay taallo ugu tegay kuna ilaaliya, mana jirto cid ka daba timid  oo ay haantani ka maqantahay. Markaa  waxaanu aaminsanahay in ay tahay haan sun ah una baahan in dhakhso loo baadho loona ogaado waxyaabaha ku jira.”  “Si aynu degaanka, dad  iyo duunyaba uga badbaadino halista ka iman karta  isla markaana u ogaano cidda suntan baddeena ku soo tuurtay ee haantan iska leh si aynu ugula xisaabtano khatarta ay inoola badheedheen,” ayay tidhi Xildhibaan Qamar Maxamed Saalax.

Leave a Reply