Shaaha Bigaysku Wuxuu Xoojiya Difaaca Jidhka!

0
612

Shaah waa magaca asal ahaan ka soo jeeda Shiinaha oo ugu yeedhi jiray geed caleemihiisa laga samaysto sharaab, kaasi oo si joogto ah u ah mid caleentiisu doog tahay.
Waxaana la sheegay in geedkani uu ka soo jeedo qaaradda Aasiya isagoo dhererkiisuna gaadho 9 mitir. Laakiin beeraha yaryayr wuxu gaadhaa 90 a- 150 cm. Shaaha caanaha lagu daro oo ah mid aad loo jecel yahay ayaa koox sheegtay inay sameeyeen cilmi baadhis ay sheegeen in caanuhu ay lumiyaan waxtarka geedka shaahu leeyahay. Waxa kale oo ay cadeeyeen in shaah aan cadayska lahayn uu xoojiyo difaac jidhka iyo inuu ka qayb qaato dhismaha jidhka dhiigaba.
Kooxdan ayaa sheegtay in shaaha madoobi waxtar u leeyahay ilkaha iyo kelyahaba haddii aan lagu darin sonkor badan.

Leave a Reply