Sucuudiga: Gabadh Markii U Horaysay Loo Doortay Xil Siyaasadeed

0
265

Doorasho dhawaan ka dhacday dalka Sucuudiga ayaa waxa la sheegay in dalkaas markii ugu horaysay qof dumar ah loo doortay mid ka mida xilalka siyaaseed ee dalkaas. Guddiga doorashada boqortooyada, ayaa sheegay in Salma bint Hizab al-Oteibi ay ku guulaystay kursi golaha dawladda hoose ee gobolka Maka, iyadoo ka adkaatay 7 rag ah iyo qof dumar ah. Dhawaan ayay ahayd markii kun dumar ah iyo lix kun oo rag ahi, galeen tartan dhanka kuraasta goleyaasha ah, inkastoo awoodoodu ay xaddidan tahay. Doorashada oo dhacday Sabtigii, ayaa ahayd tii ugu horeysay ee dumarka loo ogolaaday in ay ka qayb qaataan doorashada.  Doorashadan ayaa waxay dalka Sucuudiga noqotay mid taariikhi ah. Guddida doorashooyinka ayaa waxay sheegeen in ay si rasmi ag ugu dhawaaqi doonaan natiijada rasmiga ah ee cod bixinta.

Leave a Reply