Obama Oo Sheegay Inay Xoojinayaan Duqeymaha Ka Dhanka Ah Kooxda ISIS

0
334

Madaxwaynaha Maraykanka, Barack Obama ayaa sheegay in ciidanka Maraykanku ay sii xoojiyaan duqeynta ay ku hayaan kooxda Daasish ee ka dagaalanta Suuriya iyo Ciraaq. Obama ayaa waxa kale oo uu sheegay inuu qirsan yahay in dagaalka uu adag yahay loona baahan yahay in horumar deg-deg ah laga sameeyo. Obama waxa uu hadalkan ka sheegay shir jaraa’id oo uu ku qabtay xarunta wasaaradda difaaca dalkiisa ee loo yaqaan Pentagon-ka.
“Dagaalka lagula jiro kooxda ISIS waa mid adag, balse waan sii wadaynaa inaan guulo ka gaarno. Ciidamada Mareykanka waxay dileen tiro ka mid ah madaxda sare ee hoggaanka kooxdan haya.” Ayuu yidhi Barack Obama.
Sidoo kale Obama wuxuu sheegtay inay burburiyeen qaar ka mid ah adeegyada dhaqaalaha ay ka hesho kooxda sida shidaalka, isagoo intaa ku daray in ciidamadiisu ay kooxdaas dib uga riixeen degaano ka tirsan dalalka Suuriya iyo Ciraaq oo hore kooxahaasi gacanta ugu hayeen.
 
Madaxweyne Obama ayaa sheegay in xoghayaha difaaca ee Mareykanka Ash Carter uu u safri doono Bariga Dhexe, iyadoo John Kerry-na uu ku sugan yahay dalka Ruushka si ay taageero milatari ugu raadiyaan weeraro lagu
Madaxweyne Barack Obama ayaa xusay in xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka, John Kerry uu aadayo waddanka Ruushka, taasoo qayb ka ah dadaalka lagu mideynayo dagaalka ka dhanka ah kooxda Daacish.

Leave a Reply