Sacuudiga Oo Sheegay Inuu Dhisayo Isbaheysi Islaami Ah

0
499

Dawlada Saudi Arabia ayaa ayaa waxay ku dhawaaqday talaabo ay ugu yeedhay inay ku samaynayso Isbaheysi Milatari oo Islaami ah, kaas oo ka kooban 34 dal, oo la dagaalami doona argagixisada. War ka soo baxay wakaaladda wararka dawladda Sacuudiga ee lagu magacaabo SPA ayaa daabacday bayaan lagu sheegay in hindisahan uu ku jiri doono samaynta xarun isku xidha hawl gallada milatari ee isbaheysigan cusub oo la sheegay in ay xarun u noqon doonta magaalada Riyad. Bayaanka ayaa waxa lagu sheegay in argagixisada ay tahay xadgudub daran oo ka dhan ah xuquuqda iyo sharafta bani aadamka, gaar ahaan xuquuqda nololeed iyo tan ammaan,  islamarkaana in ficillada musuq-maasuqa iyo argagixisanimada aan sinaba loogu cudur daari Karin.
Dhaxal sugaha labaad ee Sucuudiga ahna wasiirka gaashaandhigga Maxamed Bin Salman ayaa shir jaraa’id ka sheegay in aan diiradda la saari doonin oo kaliya hal urur oo argagixiso oo kaliya.
 
Isbahaysigan dalalka lagu daray ayaa waxa ka mid ah Jordan, Bahrain, Turkey iyo Isu-tagga Imaaraadka Carabta, oo iminka weeraro duqayn ah ka fulinaya dalka Suuriya, ayaa iyaguna qayb ka ah xulufada Maraykanku uu hogaaminayo  ee la dagaalamaya kooxda Daacish. Waxa sidoo kale ku jira dalalka Tunisia, Lebanon, Libya, Egypt, Pakistan, Bangladesh, Malaysia, Sudan, Mali iyo Nigeria.

Leave a Reply