Cunsuriyada Yurub Iyo Diimaha Yaabka Badan!

0
1051

Markii uu Rasuulka Muxumed (scw) soo baxay dunida waxa ka buuxay dulmi iyo cadaalad daro, ka dibna Isaalmku wuxu waaleelyay dadkii, isla markaana bulshadii cabsi u jooga ahayd waxay  noqdeen kuwo nabad ku seexda oo helay liibaantii aduunyada iyo tii akhaariba.
Haddaba wakhtiyadan danbe waxa dunida ka soo baxay kooxo diimo sheeganaya oo dunida dulmi iyo halaaga u horseeda aadna yaab u leh.
Sida kooxda Yurub ka dhisan ee lagu magcaabo Ibdaciya, waana diin ku dhisan aragtida cunsuriyadaa waxaaana la asaasay sanadkii 1973 isagoo sameeyay ninkii la odhan jiray Clasin. Waxay aaminsan yihiin inay tahay tan ugu saxsan diimaha.
Calaamadooda iyo shicaarka lagu yaqaano ayaa ah xarafka W oo duushiisana uu saraan yahay Taaj. Shicaarkan ayuu macnihiisu yahay in ninka cadi yahay ka cid walba ka sareeya, xaqna u leeyahay inuu weligii hayo hogaanka dunida, iyadoo W u taagan “White man”.

Leave a Reply