Daalibaan oo Muquunisay Ciidamada Afghanistan

0
410

Guddoomiye ku xigeenka gobolka Helmand ee koonfurta Afghanistan, ayaa sheegay in ciidamada Komandos-ka ee Afghanistan ay gaadheen degmada Sangin, iyagoo rajaynaya in ay hareeraynta ka dulqaadaan xarumaha degmada.
Taliban, ayaa halkaas ku hareeraysay dhowr boqol oo booliis ah iyo askar, kadib dagaal qadhaadhaa oo dhexmarey ciidamada dawladda iyo iyaga.
Taliban ayaa cambaaraysay Britain oo ku eedeysay in ay ciidamadeeda qaar ka mid ah ay dib ugu dirtay gobolka Helmand.
Inkastoo xukuumadda London ay sheegtay in doorkoodu uu yahay oo kaliya in ay la taliyaan militar-ga Afghanistan.
Dadka magaalada ayaa ku qaxaya magaalooyinka kale ee ku dhaw.
Dhinaca kale Diyaarado millitari oo ku sugan gobolka Helmand ee koonfurta Afghanistan ayaa cunto u daadiyay magaalada Sangin, halkaas oo malayshiyo Taalibaan ah ay ku go’doomiyeen boqolaal ciidammo iyo booliis isugu jira oo gobolka intiisa kale laga go’doomiyay.
Badhasaabka Helmand ayaa xaqiijiyay in raashinkaasi hawadda laga soo daadiyay, balse wuu diiday in uu ka hadlo in ay magaalada Sangin ay ku sii socdaan ciidammadii la balanqaaday ee xoojinta ahaa.
Dadka shacabka ayaa isaga cararaya magaaladaasi.
Dadka qaar ayaa sheegay in taalibaanku ay laynayaan ciidammada ammaanka kaddib markii ay xoog ku galeen dhisme ay dawladdu leedahay

Leave a Reply