Madaxweynaha Somaliland Oo Shacbiga ka Tacsiyadeeyay Geerida Abaanduulihii Hore Ee Ciidanka Qaranka

0
335

Hargeysa(Dawan)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa shalay dhambaal tacsi ah u diray qoyskii, ciidammadda qaranka iyo shacbiga Somaliland oo uu ka tacsiyadeeyay geerida ALLE ha u naxariistee Abaanduulihii hore ee ciidanka qaranka Marxuum-Ibraahim Caydiid Dhab-dhable oo Salaasadii ku geeriyooday dalka Jabuuti. Sidaasna waxa lagu sheegay dhambaal tacsi ah oo uu shalay soo saaray afhayeenka madaxtooyadda Xuseen Aadan Cigge (Xuseen Deyr) oo u qornaa sidan:- “Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Siilaanyo ku waxa uu tacsi u  dirayaa Guud ahaan Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, isagoo ka tacsiyadaynaaya Geerida ku timid Abbaanduulihii hore ee Ciidanka Qaranka Somaliland Marxuum Ibraahim Caydiid Axmed (Dhab-dhable oo ku geeriyooday Dalka Jabuuti. Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku tilmaamay hogaamiye ciidan oo door muhiima ku lahaa, dib u dhiska iyo qaramaynta ciidamada Qaranka, intii uu ahaa Abbaanduulaha Ciidankana uu ahaa shaqsi ku sifoobay hawl karnimo iyo dedaal ciidanimo. Sidoo kale Madaxweynuhu waxa uu tacsi taas la mida u dirayaa Qoyskii, Qaraabadii, Eheladii iyo Asxaabtii uu ka baxay Marxuumku. Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland waxa uu alle uga baryayaa marxuumka inuu naxariistii janatu fardawsa ka waraabiyo Ciidanka Qaranka, Qoyskii, Qaraabadii, Eheladii iyo Asxaabtiina uuka baxayna samir iyo iimaan ka siiyo Marxuumka. IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN.”
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply