Safiirka Somaliland Ee Addis Ababa Oo Sheegay In Itoobiya u Aqoonsatay Safiir Buuxa, Kana Hadlay Xidhiidhka Labada Dal

0
343

Hargaysa (Dawan)- Safiirka Jamhuuriyadda  Somaliland u fadhiya dalka Ethiopia, Danjire Maxamuud Jaamac Aadan (Galaal), ayaa sheegay in dawladda Itoobiya ay u aqoonsantahay in uu yahay safiir  buuxa, isla markaana ay ula macaamisho sida safiirrada dawladaha kale matalaya ee fadhigoodu yahay Addis Ababa.
Maxamuud Jaamac Aadan Galaal, waxa kale oo uu si faahfaahsan uga hadlay hawlaha shaqo ee ay qabato Safaaradda Somaliland ee Magaaladda Addis Aababa, xidhiidhka xilligan  ee labada dawladood iyo waxyaabaha uu ku soo kordhiyay shaqadda Safaaradda muddadii uu xilka hayay.
“Dhinaca Siyaasadda  waxaan aaminsan nahay  in aanu Dawladda Ethiopia aad iskugu soo dhawaanay oo aanu saaxiib-tinimo cusub oo hor leh aannu halkaas ka asaasnay. Sidda la innoo qaabilo qudheedda wax badan, ayaa iska bedelay,”ayuu yidhi Mr. Galaal, waxaanu intaas ku daray  “Hadda Dawladda Ethiopia waxay ogolaatay inay innoola dhaqanto sidii Saafaradaha kale.Tusaale ahaan Inay Askar hubaysanni ay Safaaradda Ilaaliyaan, sidda Safaaraddaha kale ee caalamka si ay Amnigeenna u sugaan. Waxay sameeyeen  inay Anniga ii aqoonsaddaan Safiir buuxa, maaha Wakiil, waxaan  la mid ahay Safiirrada kale ee Dawladdaha kale matalaya. Markaas taasi waxay muujinaysaa Xidhiidhku inuu aad u wanaagsan yahay Somaliland iyo Itoobiya.
Mr. Galaal waxa kale oo uu ka hadlay shaqadda ay Safaaraddu u qabato Muwaadiniinta Somaliland, waxaanu yidhi   “Safaaraddu waxay inta badan qabataa  adeegyadda Muwaadiniinta loo sameeyo, haddii ay tahay ciddii dhibaato qabsato, kii la-xidho, Ardayda iyo dadka doonaya inay Somaliland maal-geliyaan, dadka doonaya inay dalxiis ahaan u yimaaddaan. Adeegyaddaas oo dhan bay qabataa oo ay u fududaysaa sidii ay u qabsoomi lahaayeen.”
“Arrimaha ganacsiga iyo sidii la isu dhaafsan lahaa badeecadaha ganacsi, waanu ka hadalnaa, waana nidaam aniga hortay socday ,waxaana uu hadda marayaa meel wanaagsan. Waxaanu doonaynaa in aanu isku dheelli tirno waxa Somaliland ka taga iyo waxa Ethopia ka yimaadda, si dhinaca dhaqaalaha aynu saamigeenna iyo qeybteenna uga helno,” ayuu yidhi Safiirka Somaliland u fadhiya dalka Itoobiya oo shalay u warramayay shabakadda Oodweynenews.
Danjiruhu waxa uu sheegay inuu dhow yahay xilligii Somaliland la aqoonsan lahaa, waxaanu yidhi  “Ictiraafka Somaliland waxa uu Iman doonaa maalin maalmaha ka mid ah oo walliba aan rejaynayo inuu dhow yahay, markaas annaga waxa la nooga baahan yahay shaqo adag iyo dedaal iyo qorshe aanu ku hanano qadiyadda Somaliland.”
 
 
Safiirku waxa uu faahfaahin ka bixiyay waxyaabaha u qabsoomay muddadii uu majaraha u hayay Safaaradda waxaanu yidhi “Hu’gaagu,wuu kula baryo tagaa”.Talaabaddii ugu horaysay ee aan qaaday waxay ahayd, In aan Safaaradda ka raro meeshii hore ee ay ku taallay oo aan u raro meel cusub oo uu Haykalka Dawlad-nimo  ka muuqdo.Imika waxaan odhan karaa Safaaraddeennu waxay u eg tahay Safaaraddaha Wadamadda kale ee waaweyn. Markaas haddii aad Qadiyad Iibinaysid Hu’gaaguna wuu kula baryo tagaa.Nidaamka Maamulkana wax baan ka bedalay,Waxaanan u sameeyay qaab-shaqeed oo imika lagu shaqaynayo, illaa haddana hawshaasi wey socotaa, waana hawl-xeel-dheer marka la eego Baahidda innoo taalla.”
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply