Maxaad Ka Taqaanaa Qasriyada Caalamka Ugu Waaweyn?

0
462

Waxa toddobaadkan lasoo saaray Qasriyada ugu waaweyn uguna quruxda badan dawladaha caalamka iyo wadamada ay ku yaalaa,iyada oo lagu soo daabacay wargeyska Daily Mail oo uu kazoo xigtay wargeyska Dawan.
Warbixinta baadhitaankan laga soo saaray ayaa laysku bar bar dhigaayey qasrigayada looga taliyo wadamadaasi iyo qasriyada ay lee yihiin dadka tijaarta ah ee wadamadaasi u dhashay,kuwaas oo iyaga laftoodu wadamadoodaasi ku yaala.
 
Wadamada Yurub iyo Maraykanka ayaa noqday wadamada kaalmaha hore ka galay quruxsanaanta Qasriyadaasi,iyada oo ay jiraan wadamo kale oo ay ku yaalaan qasriyo iyaga laftoodu aad u qurxo badan ,iyaga oo aadna u kala duwan dhisme ahaan.
wadamada kaalmaha hore ka galay qasriyadaasi qurxaha badan ayaa ka kooban ilaa toban wadan,kuwaas oo qasriyadoodu noqdeen qasriyada ugu quruxda badan caalamka,waxaana jira wadamo iyo qaarado ku fashilmay qasriyadaasi qurxaha badan oo ay qaaradani Afrika kaalinta kowaad kaga jirto.
Hadaba wadamada ugu qasriyada quruxda badan ayaa kala ah kuwo ku yaala qaaradaha Maraykanka,Australia,Yurub iyo Aasiya,kuwaas oo kala ah Mareykanka, Spain, Hindiya, Portugal, Ruushka,Ingiriiska, Scotland, Thailand.

Leave a Reply