Sharciga Faransiiska Ee Aan La Rumaysan Karin!

0
537

Dalka Faransiiska oo ah dal qurux badan oo soo jiita malaayiin qof oo dunida ku nool ayaa haddana wuxu leeyahay ariimo yaab leh. Waxa jira qawaaniin qosol iyo yaab wata oo dalkaasi qofkii ka hor yimaada uu ciqaab la kulmo waxaana kuwaasi ka mid ah:
In dalka Faransiiska qofna aanu doofaarkiis u bixin magaca Nabiliyoon oo ahaa hogaamiyiihii boqortooyadii Faransiiska ee Yurub caanka ka ahayd ugun xooga weynayd. Waxa kale oo dalkaasi ka jira sharci u ogolaanaya inay guursan karaan dad nool iyo kuwo dhintay  waxaana loo ogol yahay oo keliya qofka haysta dhalashada Faransiiska.
Waxa kale oo shradi ah inuu jiray niyad kalgacal ah oo hore uga dhaxaysay labadan qof. Ugu danbaystana waa in qaynuunkan guurka qof dhintay iyo midka nool dhex maraya uu ogolaado madaxweynuhu, ka diban guurka kii fasaxayaa.
Dalka Faransiiska waxa kale oo mamnuuc ka ah in sawir laga qaado  ciidamada Booliiska iyo gaadiidkooda.
Warbaahinta Faransiiskana waxa waajib ku ah inay sii daayaan 70% heeso  Faransiisa ah laga bilaabo 8:00 Subaxnimo ilaa 8:00 habeenimo si loo ilaaliyo dhaqanka iyo saqaafadda dalka ka dib markii dhalinyaradii ay u leexdeen inay dhegaystaan heeso Maraykan ah.
Waxa kale oo sanadkii 2011 soo baxay sharci mamnuuc ka dhigaya in Makhaayadaha ku yaalla dugsiyada aanay samayn raashinka kataship, maaha in loola jeedo ilaalinta caafimaadka caruurta, laakiin maamulaha huteelada ku yaalla dugsiyada ayaa sheegay inay tahay in la isticmaalo raashinka Mayunis oo Faransiiska ka soo jeeda. Waxaana uu intaasi ku daray in malqaacaad kasta oo laga cuno rashinka la mamunuucay ay tahay inagoo qaadanayna saqaafadda Maraykanka madaama asal ahaan uu Maraykan yahay.
 

Leave a Reply