Isbedelka Taariikhda Iyo Awoodaha Dunida!

0
507

Casryadii dhexe waxa xoog iyo miisaan ku lahayd dunida dawladii Cusmaaniyiinta ee Turkiga taasi oo haysay khilaafadii Islaamka. Waxaana lagu xusuustaa in Doonyaheedu marka ay ku soo xidhaan dekedaha Yurub, kiniisadahu ay joojin jireen dhawaaqa jalaskooda iyagoo ka baqan jiray in muslimiintu ka naxaan ka dibna ay bilaabaan inay furtaan magaalda oo duulaan ku soo qaadaan.
Wakhiyadaasi nin baadari Talyaani ah oo khudbad jeedinyay ayaa yidhi “ Waxaan ka xumahay in aan arko dhalinyaradii Kiristaanka ahayd oo ku dayanaysa Muslimiinta Carbeed  xagga dhar xidhashada iyo dhincayda nolosha iyo fikradaha ilaa ay gaadheen inay ku faanaan inay carabida yaqaanaan. Sidaasi ayay mar dunidu ahayd mid hogaankeeda Muslimiintu u haysay.

Leave a Reply