Waxay Aamintay Inay Dhimanayso Marka Geedku Engego!

0
731

Markii ay xanuunsatay ayuu u sheegay faaliyuhu inay dhimanayso marka geedka gurigooda ku yaala ay caleemihiisu wada daataan. Geedka ayay ka eegi jirtay iyadoo sariirteed jiift daaqada. Wakhtiga oo Jiilaal ahaa geedka ayaa bilbaabay inay caleemuhu ka daataan, maalin kasta qaar cusub ayaa ka daadan jirtay. Maalin danbe iyadoo sariirta jiifta ayay walaasheed weydiisay Imisa caleemood ayaa geedka ku hadhasan?
Walaasheed oo yaaban ayaa ku tidhi maxaad su’aashaa iiweydiisay? Waxayna ugu jawaabtay waxaan dhimanayaa marka caleenta ugu danbaysaa ka soo dhacdo geedkan! Waxayna ugu jawaabatay hadda wax badan ayaa u hadhay. Maalmihii way socdeen caleemihii geedkuna si joogto ah ayay u daadanayeen.
Gabadha yar ee bugtayna waxay si rasmi ah u aamintay in maalinka caleenta ugu danbaysa ka dhacdo ay dhimanayso. Sidii ay caleemuhu u daadanayeen waxaa ku hadhay caleen keliya, maalin kasta way eegi jirtay inay dhacado laakiin may dhicin. Iyadoon dhicin caleentii keligeed ahayd ayuu bilaabmay gugii oo ay soo bexeen caleemo cusub oo geedkii noqday wada magool.
Markaasi ayay inantii bogsatay oo ay caafimaad heshay iyadoo ogaatay in aanay run ahayn hadalkii faliyuhu.
Laakiin maalmo markii ay joogtay ayay hubisay bal caleentan keliya ee soo dhici weyday waxay tahay  waxayna la kulantay inay ahayd caleen balaastiik ah oo ay walasheed ku dhejisay geedka. Haa, dad badan ayaa rajada noloshooda ku xidha qof kale oo quusta. Markasta isku day inaad wanaajiso rajada qofka ku niyad jabay waxaan macquul ahayn.
 
 

Leave a Reply