Daad ku Fatahay Ingiriiska iyo Uruguay

0
466

Daadad ku soo fatahay Ingiriiska ayaa loo direy 500 oo askari si ay ula tacaalaan daadad aan la fileyn oo ku soo jiidha magaalooyinka Yorkshire and Lancashire.
Kooxaha gurmadka ayaa ku howlan guryaha ku yaalYork, halkaasi oo boolisku sheegayaan in ay halis ku jirto hanti dhan  3,500 agagaaarka webiga  River Foss.
Waxaa jira digniino door ah  oo ku saabsan daadadkaasi gobollada England, Wales iyo  Scotland.
 
Dhinaca kale Daadad aan ku cusbayn  dhulka joogiisu hooseeyo ayaa ku dhuftay  gobolada Koriyente, iyo Entre Riyos ee Urugway.
Goboladan waxaa ku hareeraysan dalalka, Parugway, Urugway iyo wabiyada Parana.
Laakiin jooga biyaha ayaa si layaableh sare ugu kacay todobaadkii hore.
Saddex maalmood ayay roobab mahiigaano ah da’ayeen, arrintaas oo sababtay in ay wabiyadu tan dhaafaan.
Inta badan dadka ay markiiba waxyeeladu gaadhay waxay ahaayeen reer Parugway, laakiin waxaa hadda walaaca u wayni uu haystaa Argantin.
Xukuumaddu waxay sheegtay in biyoxidheenkii ama waxyaabihii ay ugu talagashay in ay biyaha celiyaan in ay qarka u saaranyihiin in biyuhu ka awood bataan.
Hadda roobabku way istaageen laakiin waxaa si dhaw loola socdaa cimilada.
 

Leave a Reply