Dhaqamo Ay Leeyihiin Dad Dunida Caan Ka Ah

0
365

Baadariga Fatikanka ayaa ahaa nin ilaaliya xarun habeenkii lagu cawayn jiray oo ku taalla caasimaadda Arjantiin ee Buenos Aires, wakhtigaasi oo uu ahaa dhalinyaro. Waxa kale oo uu ahaa nin ciyaara jaaska nooca Tango Dance, taasi oo xafladiisa dhalashada ee 78aad  uu kula ciyaaray St.Peter’s square ee Vaticanka.
Bill Gates: Maal qabenka Bill Gates ayaa markii uu la kulmay madaxweynaha koonfurta Kuuriya gacantiisa bidix oo ku jirta jeebkiisa salaamay. Arintan ayay cadho ka muujiyeen saxaafadda koonfurta Kuuriya iyagoo ku tilmaamay inay ahayd ixtiraam daro. Laakiin ra’iisal wasaaraha dalkaasi ayaa maalmo ka dib sheegtay in  madax hore oo uu la kulmayba sidan u salaamay waxaana laga yaaba ayay tidhi inay caado Maraykan tahay. Laakiin dadka Maraykanka ayaa sheegay in aanay ahayn mid ka mid ah saqaafadda iyo dhaqanka Maraykanka laakiin ay tahay mid u gaar ah Bill Gates.

Leave a Reply