Xafladdii Arooskeeda Ayuu Kaga Aargoostay

0
363

Magaalada Darabulus ee  waqooyiga Labnaan ayaa dad joogay xaflad aroos oo halkaasi ka dhacaysay ay maqleen qarax weyn , kaasi oo ku keenay argagax dadkii xafladda joogay iyo weliba inay laba qof ku dhaawacmaan is riixidda.
Qarxan ayaa ahaa iyadoo la riday bam gacmeed cod keliya sameeya dadkana ku abuura naxadin iyo argagax. Waxaana bamkan riday nin hore gabadha aroosada uga codsaday inuu guursado laakiin ay qoyska aroosadu u diideen isagoo sheegay inuu noocaas kaga aar gudanayay aroosada iyo qoyskooda oo wakhtigii xafladda ku keentay wareer iyo kala yaac iyadoo xafladanina la soo gaabiyay. Xafladan ayaa ka socotaya hool ku yaal dekeda magaaladaasi Tripoli ee dalka labnaan.

Leave a Reply