Madaxweynaha Iiraan oo ka Hadlay Aragtida Islaamka ee Dunida

0
367

Madaxweynaha Iiran  Hassan Rouhani ayaa sheegay in ay tahay in muslimiintu u halgamaan sidii ay u hagaajin lahaayeen aragtida caalamka ee islaamka oo uu xusay in uu hadheeyay qalalaase.
 
Mr Rouhani, oo ka hadlayay shir saxaafadeed ka dhacay Tehran waxa uu sheegay in ay mabaadida islaamku ka soo horjeedaan qalalaasaha.
Mr Xassan Rouxani oo ah hoggamiye diineed oo  qunyar socod ah waxa uu dhaliilay Sucuudiga iyo isbahaysigiisa khaliijka oo uu sheegay in au hubka ay ka soo iibsadaan Maraykanka ku laayaan muslimiinta.
Iiran  si adag ayay uga soo horjeedaa duqeymaha sucuudigu horkacayo ee lagu beegsanyo xuutiyiinta shiicada qabsatay inta badan Yaman.
Waxa  kale oo uu ku canbaareeyay dalalka muslimka sida ay uga aamusan yihiin dilka iyo dhiigga ku daadanaya  Suuriya, Ciraaq, iyo Yaman.
 

Leave a Reply