Badbaadi Xoolaha Nool Oo Dhuxulaysiga Jooji

0
443

Ka hor tagga nabaad guurka deegaanka Somalilland iyo shidista dhirta qoyan ee dhuxulaysiga ayaa ah tallaabo dalka oo dhan ka hir gashay oo la qaaday.
Xukuumadda Somaliland ayaa ku guulaysatay in  laga hor tago nabaad guurka ay dalka ku hayeen dhuxulaysato shida dhirta qoyan waxaana iska kaashaday badbaadinta deegaanka iyo ka hor tagga nabaad guurta dadka deegaanka  gobolada dalka oo dhan  iyo Wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta Reer Miyiga ee Somaliland waxaana lagu guulaystay in guud ahaan dhirta qoyan ee Somaliland laga badbaadiyo dhuxulaysiga.
Taana waxaa suura galiya ka dib markii ay iskaashi iyo wada shaqayn ya wada sameeyeen Wasaaradda Deegaanka iyo wax garadka deegaamadda kala duwan ee dalka iyo maamulka Heer gobol iyo degmo ee dalka.
Tallaabada lagu badbaadinayo deegaanka ayaa ah mid hir galinaysa jiritaanka nolol wanaagsan oo ka fayo qaba nabaad guur iyo xaaluf.
Hadaba waxaa la gudboon oo waajib ku ah dadka ka ganacsada  dhuxusha in ay ku dhaqmaan shuruucda dalka oo ay badbaadiyaan deegaanka gudintana ka dhawraan dhirta qoyan.
Waxaana jira sharci lagu ciqaabayo cid kasta oo  geed qoyan goysa.
Qofkii lagu qabto in uu geed qoyan gooyay waxaa  uu noqonayaa qof ku kacay fal dambiyeed lid ku ah deegaanka isla markaana waxaa uu mari doonaa ciqaabta uu mutaystay.
Hadaba muwaadin ka fogoow in aad goyso oo aad gudin u quudho geed qoyan oo ah hanta qaran oo dalku leeyahay hana waxyeelayn deegaankaaga.  Deegaan wanaagsan ayay nolol wacani ka suura gashaa. Markaa  nolol wacan aad ku noolaatid ee bad baadi nolosha dhirta qoyan.
Ogow jiritaanka nolosheenu waxay ku tiirsan tahay deegaan wanaagsan oo ka fayo qaba goynta dhirta iyo nabaad guurka waxaana hubaal ah in sadexda isku nooli aanay kala maarmayn midna gaarkeeda aanay u jirayn bal ogoow muwaadin in noloshaadu ay ka mid tahay sadexda isku nool.
Sadexda isku nool ee noloshoodu isku tiirsan tahay dalkeenna ayaa kala ah. Dadka,duunyada iyo deegaanka. Sababtoo ah dalkeenu kuma tiirsana wershado iyo wax soo saar dhalan gediya deegaanka.
Hadaba jiritaanka nolol wanaagsan oo aynu ku noolaanaa waxay ku jirtaa inagoo bad baadina deegaanka kana dhawrna dhirta qoyan goynta iyo gumaadka. Markuu deegaanku badbaado ee dhirtu nabad gasho ayay xooluhuna ku noolaanayaan markay noolaadaaan ee ay helaan dhir ay daaqaan,hadhsadaan isla markaana calaf iyo cunnaba ka helaan,ayay nolosheenuna xoolaha dheef ka helaysaa dhulkuna nabaad guur iyo xaaluf ka badbaadayaa.
Muwaadin balanteedu waa horumarinta deegaanka hadaba bal Isku day muwaadin in aad ka qayb qaadato horurinta deegaanka oo aad beerto hal geed oo ka qayb qaata wanaagga deegaanka aad ku nooshahay.
 
Ma ogtahay muwaadin kun midh oo beed ah oo aad maalintii suuqyada Somaliland soo gelisaa in ay yihiin hal Milyan oo Somaliland shillin ah. Bal hadaba ka waran haddaad kumanaan beed digaag ah maalin kasta soo  galiso suuqyada Somaliland oo aad ka mid noqoto dadka ugu horreeya ee hir galiya mashaariicda dhaqashada digaagga ee baahidaa dalku qabo qaybtiisa daboola.
Muwaadin ogoow in Wasaaradda Xannaanada Xooluhu diyaar kuula tahay taageerada Xukuumadda iyo dhiiri galinta dhaqashada digaagga.
 
 
 
 

Leave a Reply