Beljam oo Xidhay Dad lagu Eedeeyay inay Qaraxyo Qorsheynayeen

0
431

Booliiska dalka Beljam ayaa xidhay labo ruux oo looga shakisanyahay in ay qorshaynahayeen in ay magaalada Brussels weerar ku qaadaan iyaga oo bartilmaameedsanaya xafladdaha sanadka cusub.
Qaybo ka mid ah dalka ayaa laga fuliyay hawlgalo Axaddii iyo Isniintii sida ay sheegeen saraakiishu.
Booliiska ayaa qabtay dhar millitari iyo waxyaabo borobogaandada loo adeegsado, laakiin lama helin hub ama waxyaabaha qarxa.
Beljam ayaa la galiyay feejignaan sare tan iyo wixii ka dambeeyay weerarkii13 November ka dhacay caasimadda Faransiiska ee Paris.
Qaar badan oo ka mid ah dadkii ku lugta lahaa qaraxaasi ayaa loo malaynayaa in ay saldhig u ahayd Beljum.
Dadkan la tuhunsanyahay ayaa lagu eedeeyay in ay weerar ku qaadi rabeen bartilmaameedyo muhiim ah oo ku yaala magaalada Brussels iyo booliiska sida ay baahisay warbaahinta Beljam ee RTBF.
 

Leave a Reply