Wakiiladda Oo Soo Gunaanaday Dooddii Miisaaniyadda Iyo Aqlabiyadda Xildhibanada Oo Bogaadiyay Wasaaradda Maaliyadda

0
610

Hargeysa  (Dawan): Golaha Wakiiladda Somaliland ayaa shalay soo af-jaray doodii ay maalmahanba ka lahaayeen odoroska miisaaniyad sanadeedka 2016-ka, iyadoo la filayo in gole-weynuhu uu cod u qaado todobaadka soo socda. Fadhigii  shalay ee golahaas  oo uu shirgudoominayay gudoomiye ku-xigeenka koowaad ee golahaas Md. Baashe Maxamed Faarax ayaa waxay xildhibaanadii doodaas ka qayb qaatay wasaaradda maaliyadda ku bogaadiyeen sida ay iskugu soo dubariday miisaaniyadda iyo mashaariicda horumarineed ee ka muuqda, iyagoo soo jeediyay in la ansixiyo miisaaniyada.
Xildhibaan Maxamuud Jaamac Dable, oo ka mid ahaa xildhibaanadii ka qaybqaatay doodan ayaa  yidhi “Waxaan soo jeedinayaa in la sii horumariyo lacagta kabka ah ee la siiyo dawlada hoose ee dalka, sababtoo ah waxa jira qaar dakhliga ay qaadaan aanu ku filnayn in ay ugu adeegaan bulshada ay masuulka ka yihiin. Waxa kale kale oo aan soo dhawaynayaa lacagta taakulada ah 2% ee gobolada bari loogu talo galay in kor loogu soo qaado. arrintaasi waa mid dastuuri ah.”
Sidoo kale Xildhibaan Xaamud Cismaan, oo isna doodaasi ka qayb qaatay    waxa uu wasaaradda maaliyadda ku bogaadiyay sida ay u daryeesho una xafido dhaqaalaha ummadda. Waxaanu  yidhi “In qaranka lacagi u taalaa waa arrin aad loogu farxo. Waxaan soo jeedinayaa in lacagtaas lagu sameyo mashaariic bulshada wax loogu qabanay. Waxa kale oo aan soo jeedinayaa in cashuurta lagu kordhiyo, waxyaabaha dibada inooga yimaada sida Electronic-ga, jaadka iyo waxyaabaha kale ee aan daruuriga bulshada u hayn.”
Mudane Siciid Cilmi Rooble, ayaa waxa uu sheegay in wasaaradda maaliyadu ay golaha hor keentay miisaaniyad aad u hufan arrintaasna ay tahay mid mudan in looga mahadceliyo. Xildhibaan Siciid Cimi Rooble, waxa uu soo jeediyay in golaha wakiiladu miisaaniyadda sidaa golaha wakiiladu ku ansixiyo. isagoo  arrintaas ka hadlaaya waxa uu yidhi “Wasaaradda maaliyadu aad bay u mahadsantahay, waa markii ugu horaysay ee wasaaraddu golaha hor keentay miisaaniyad wax laga badalay. Waa markii ugu horaysay ee guddida dhaqaalaha ee goalaha wakiilada iyo wasaaradda maaliyaddu u wada shaqeeyaan si fiican. Waxa miisaaniyadda sannadkan lacago loogu daray maxkamadaha iyo maxaabiista, taas oo ay soo jeedisay guddida cadaalada oo aan anigu ka mida ahay. Markaa waxaan soo jeedinayaa in odoroska miisaaniyadda golaha hor taala sidaa lagu ansixiyo.”
Sidoo kale Cabdiqaadir Jaamac Xaamud oo ka mid ahaa xildhibaanadii ka qayb qaadanayay dooddaas, ayaa yidhi   “Guddida dhaqaalaha iyo wasaaradda maaliyaduba aad bay u dadaaleen, waan soo dhawaynayaa in lacagta 2/% ee loo qoondeeyay gobolada bari.Waxaan soo jeedinayaa in miisaaniyada sidaa lagu ansixiyo.”
Si kastaba ha ahaatee, waxaa la filayaa in dhawaan golaha wakiiladuu cod u qaadaan ansixinta odoroska miisaaniyad sannadeedka 2016, ayaa waxa la filayaa in xildhibaanada golaha wakiiladu cod u qaadaan maalmaha soo socda. Iyadoo wasaaradduna golaha hor gaysay xiligii ku haboonaa miisaaniyadd ay ka muuqdaan mashaariic horumarineed oo badani.
Dawannews Hargeysa office
 

Leave a Reply