Dugsi Hablaha lagu Barayo Sidii ay U Xulanlahayeen Nin Wanaagsan Ee Nolasha La Qaybsanlahaa!

0
385

Asaasaha dugsi lagu magacaabo Sufa oo dalka Shiinaha laga furay ayaa sheegay inay wakhtigan dugsigiisa dhigtaan 50 arday  kuwaasi oo ay wax baraan 8 macalin oo ku xeel dheer cilmi nafsiga. Macalimiinta ayaa hablaha baraya sidii ay u guursan lahayd nin wanaagsan.
Asaasaha ayaa sheegay  inuu arrinkan goostay markii uu ogaaday baahida loo qabo dugsigan.
Qiimaha waxbarashada ayaa ah in ardaygii laga qaado lacag dhan 20 kun oo Yan oo u dhiganta 2500 doller. Waxaanu baraynaa sida ay ku garan karto wanaagga ninka iyo dabeecadihiisa qarsoon, iyo weliba kuwa la soo furay oo aanu iyagana barayno sababaha fashilka ku keena guurka.
“Waxaanu baraynaa waa aqoon maaha weedho iyo erayo halkudhigyo ah waa sida nafta qofku wax u dareemayso, iyo qaabka ay run u sheegayso ama been iyo dhaqanka iska yeelyeelka ah iyo khiyaamada ragu ay kula kacaan hablaha marka ay doonayaan inay guursadaan. Casharada ay qaadanayaan waa sidii ay u imtixaami lahayd ninka guur doonka ah,”ayuu yidhi Maamulaha dugsigan cajiibka ahi, waxaanu intaas ku kabay  “Waxaan  rajaynayaa in wakhtiyada dambe uu noqon doono dugsigani mid aad loo xiiseeyo.”

Leave a Reply