Madaxweynaha Somaliland Oo Xadhiga Ka Jaray Dhisme Cusub Oo Loo Bineeyay Wasaaradda Daakhiliga

0
389

Hargeysa (Dawan)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda  Somaliland  Md. Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa shalay xadhiga ka jaray dhisme cusub oo loo dhisay wasaaradda arrimaha gudaha.
Munaasibadii loo sameeyay furitaanka dhismaha wasaaradda daakhiliga waxa kale ka soo qayb-galay  xubno ka mida golaha Wasiirrada, safiirka dalka Jabuuti u fadhiya Somaliland iyo Saraakiil ka socday Hay’adaha  caalamiga ah ee wada shaqaynta ay leeyihiin Somaliland iyo marti sharaf kale.
Madaxweyne Silaanyo oo halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu ka soo qayb-galo furitaanka dhismaha loo dhisay wasaaradda arrimaha gudaha, waxaanu halkaasi ka jeediyay khudbad kooban oo u qornayd sidan:-
“Farxad weyn bay ii tahay inaan maanta (shalay)  ka soo qeyb-galo xafladda furitaanka xarunta wasaaradda Arrimaha Gudaha. waxaan u mahadcelinayaa dhammaan Marti sharafta munaasibadan ka soo qayb-galay.Mudaneyaal iyo Marwooyin Waxaan u mahad celinayaa dhammaan madaxda wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Shaqaalaha oo uu ugu horreeyo Wasiirku Mudane Cali Warancade.Waxaan u mahad-naqayaa Hay’adda USAID ee dhismahan maalgelisay iyo hay’adda “Tis” ee fulisay.Ugu dambayn waxaan u Hambalyeynayaa ciidammada Booliska, ilaaladda xeebaha iyo kuwa laanta socdaalka ee sida hagar la’aanta shacbiga ugu adeega. waxaan leeyahay dedaalka halkaa ka sii wada, ummaddiinana si wanaagsan ugu adeega. Xukuumadda waxa ka go’an in aanu dalka dhisno, amnigiisana ilaalino.”
Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Cali Maxamed Warancade oo isguna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu tilmaamay in dhismahan ay dhistay hayadda USAID oo uu u mahadnaqay waxaana uu yidhi “Waxaan jecelahay in aan u mahad celiyo hayada USAID ,  oo wasaaradan quruxda badan dhistay.
Waxa aan u mahad-celinayaa madaxweynaha Somaliland oo runtii horumarka dalkani gaadhay, ama hawlaha u qabsoomay wasaaradda arrimaha gudaha ay ku timid dhiirigelinta madaxweynaha,  oo habeen iyo maalinba nala garab taaganaa.” Wasiir Warancade waxa uu sheegay in dalka Somaliland yeeshay  sumad u gaara, maadaama dadku qaateen kaadhkii aqoonsiga.
“Wadankani waa markii u horaysay ee uu yeeshay sumada gaarka ah, ee aynu 60 kii lahayn.Waxa maanta u gudubnay 80%  in dadka  reer Somaliland qaateen kaadhkii dhalashada.Tallaabada labaad ee aynu qaadnay waxa weeye inaynu ansixinay toddobaadkan gudihiisa in dadka Somalia ka imanayaa ku soo galaan baasaboor dalka sida caalmaka kale, maadaama oo aynu noqonay Somalia laba dal oo darisa,” ayuu yidhi Wasiirka  Daakhiligu. Ugu dambayn Madaxweynaha waxa halkaasi lagu gudoonsiiyey Shahaado sharaf ay ku qiimeeyeen Badhasaabada, Maayarrada Dalka iyo Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo uu ku mutaystay  Dedaalka iyo horumarka joogtada ah ee madaxweynuhu la barbartaagan yahay marwalba hay’adahaas.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply