Marwada Koowaad Oo Qalab Caafimaad Gaadhsiisay Cusbitaalka Guud Ee Boorama

0
401

Boorama(Dawan): Marwada  koowaad  ee  Jamhuuriyadda  Somaliland  Aamina Sheekh Maxamed  Jirde (Aamina-wasris), ayaa shalay  caawimo caafimaad gaadhsiisay   cusbitaalka  guud ee magaaladda   Boorama,  deeqdaasi oo ahayd  agab caafimaad isla markaana  lagaga qayb qaadanayo ka hor tagga  dhimashadda  Hooyayada iyo dhalaanka.
 
Deeqdan oo ay bixinteedda  iska kaashadadeen   mashruuca qaramadda midoobay u qaabilsan  umul-raaca hooyadda iyo dhimashadda dhalaanka iyo sidoo kale hay’adda   UNFPA ayaa ah mid loogu talo galay in lagaga hawl galo qaybaha hooyada iyo dhalaanka isla markaana loogu shaqeeyo hooyooyinka xaamilooyinka ah.
 
Qalabkaasi caafimaad oo ay marwadda koowaad ku wareejisay, waxay ku tilmaantay in uu yahay mid ahmiyad weyn u leh   bad-baadinta iyo daryeelka hooyada iyo dhalaanka.
 
Munaasibad loo sameeyay qalabkaasi caafimaad ee ay marwadda koowaad ku wareejinaysay cubsitaalka guud ee Boorama oo lagu qabtay xarunta cusbitaalka ayaa waxa ka soo qayb galay badhasaabka Awdal Maxamuud Cali Saleebaan (ramaax), Isu-duwaha wasaaradda  caafimaadka ee  gobolka Awdal,  Dr.  Cabdiraxmaan Jaamac Hadi,  xubno ka socday golaha degaanka Boorama, masuuliyiinta cusbitaalka iyo marti sharaf kale.
 
Marwo Aamina Sheekh Maxamed  Jirde (Aamina-Weris),  oo hadal ka jeedisay  munaasibadii  ay ku wareejinaysay qalabkaasi caafimaad ayaa  uga mahad naqday maamulka iyo bulshadda gobolka Awdal sida wanaagsan ee ay u soo dhaweeyeen. Waxaanay  ka warantay faa’iidadda uu qalabkani caafimaad u leeyahay daryeelka hooyadda iyo dhalaanka  iyo  noocyadda oo isugu jirro.
 
“Aad iyo aad ayaan uga mahad celinayaa sida wanaagsan ee aad noo soo dhawayseen madax iyo dadweyneba,   ee aad guud ahaanba  gobolka Awdal noogu soo dhawayseen  maanta (shalay).  Alaabtan  caafimaad ee aan halkan ku wareejinayaa,  marka aad indhaha ku qabataan waa wax aad u yar oo aan badnay,  laakiin waa qalab wax weyn  ka taraya   baahida caafimaad  ee  ilmaha iyo hooyada.
 
Waxaana  ka mid ah qalabka ilmaha yar ee dhasha lagu xidho,  ee Og-sajiinta ah marka uu dhasho isagoo naqasku hayo,  oo aan helayn ogsajiin.  Waxaa  kale oo ku jira qalab kale oo caafimaad oo hooyadu marka ay foolanayso loogu shaqeeyo. Waxaa  kale oo ku jira dawooyin hooyada iyo dhalaankuba ay leeyihiin.  Waxaanan leeyahay iyagoo tiro yar ayay wax wayn tarayaan ”ayay tidhi marwo Aamina-weris.
 
Marwo Aamina-wersi, ayaa mahad naq balaadhan u jeedisay  hay’adda UNFPA oo ay sheegtay in ay mar walba gacan ka geysato  daryeelka iyo sidii loo bad-baadin lahaa ama loo yarayn lahaa umul-raaca hooyadda. Waxaanay tidhi  “Waxaa  kale oo aan u mahad naqayaa hay’adda UNFPA oo gacan mar walba ka gaysata bad-baadada hooyada uurka leh iyo sidii loo yarayn lahaa geerida umul aroorka ah.”
 
 
Isu-duwaha wasaaradda  caafimaadka ee  gobolka Awdal,  Dr.  Cabdiraxmaan Jaamac Hadi,  oo isna halkaasi hadla ka jeediyay  ayaa sheegay in   qalabkaasi uu yahay mid ay baahi weyn u qabeen, isla markaana gacan ka geysanaya daryeelka Hooyada iyo dhalaanka.
 
Waxaanu  Dr.  Hadi intaa ku daray in Marwada koowaad ay  mar walba  ka war hayso oo ay ku xidhantay cisbitaalka guud iyo dhamaanba    goobaha kale ee caafimaadka gobolka Awdal gaar ahaan qaybaha Hooyada iyo dhalaanka, isagoo   tilmaamay in ay joogto ula socoto waxba ugu tarto.
 
 
Sidoo kale guddoomiyaha gobolka Awdal Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax),  ayaa   isna  dhankiisa uga mahad naqay deeqda caafimaad ee ay marwo Aamina-Waris soo gaadhsiiyay cusbitaalka guud ee Boorama.  Waxaanu  intaa ku daray in ay tahay deeqdani   mid ka mid ah  hawlaha gacan siinta  gobolka Awdal   oo ay ka helaan Marwada koowaad oo  uu sheegay in ay ku garab  taagan tahay  horumarka iyo waxtarka   gobolka.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply