Salaadiinta Sool Iyo Buuhoodle Oo Socdaal Nabadeyn Ah Ugu Kicitimay Taleex Oo Ay Shaqaaqooyin Beeleed Ka Dhaceen

0
350

Buuhoodle (Dawan):-Salaadiinta Deegaanka Sool,  Sanaag iyo Buuhoodle  oo muddooyinkan ku hawlanaa sidii u xalin lahaayeen shaqaaqo u dhaxaysa beelaha wada degga  gobolka Xaysimo ayaa shalay u ambabaxay magaaladda Taleex.
Xubnahaasi salaadiinta ah ee ka soo jeedda degaamadda Sool, Sanaag iyo Buuhoodle ayaa u tegaya Taleex si ay uga qayb qaataan  so oaf-jaridda  colaadaasi dhex martay beelaha Dhulbahante iyo beelaha ay wada degaan Taleex.
Garaad C/rasaaq Garaad Soofe, oo ku hadlayay afka salaadiinta Buuhoodle oo warbaahinta la hadlay, iyadoo isaga iyo xubno kale oo madax-dhaqameed ahi ay hadda ku sugan yihiin magaaladda Buuhoodle, ayaa ka warbixiyay u jeedadda socdaalka isimadu ay ugu baxeen Taleex,  nabadeyntii ay ku hawlanaaayeen wixii uga qabsoomay iyo qorshohooda u diyaarsan haddaWaxaanu  sheegay   in ay 8-da bisha  January  u ambabaxayaan magaalada Taleex ee gobolka Xaysimo,halkaas oo beelo ehel ah  ay dhextaalay colaad muddo soo jiitamaysay.Garaad C/risaaq, oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Anagu haddii aanu nahay golaha isimada waxaanu isugu nimid colaad deegaanka  ka bilaabatay,  oo ka dhacday deegaanka   Qoriiley, taasoo ahayd mid aad la isugu hawlay xal waara iyo heshiis buuxana laga  gaadhay.  Iyadoo  aanu haddeer-na dadkii dhibku dhexmaray ay daaq iyo biyo-ba ku walaalaysnaayeen go’aamadii  ka soo baxay ee aanu u gudoominaynayna ay  qaateen oo fuliyeen. Waxaanuna u mahad-celinaynaa dadkii meelaha durugsan  iska  soo xilqaamay sida kililka 5-aad iyo  Kismaayo.  Mar  labaad ayayna dedaal  muujiyeen,  aanu uga mahadcelinaynaa ka salaadiin ahaan.”
 
Waxaanu intaasi ku daray “Kadib waxaanu u soo guurnay  colaad ka taagnayd degaanka Dharkayn-geenyo oo iyadana colaad cusbooni ka taagnayd,  taaasoo xallinteedu nagu qaadatay mudo bil ah  oo aanu halkaa ku sugnayn,  waxaananu  ka gaadhnay heshiis wax ku ool ah,  oo aanu maanta  kaga nimid iyagoo gamcaha is-qabsaday oo turxaan la’aan ay wixii aanu ku dhexdhexaadinay labada dhinacba ku bogsoodeen.
Hawshaa markii aanu soo gebagebaynay ayay curatay colaada  Balli-xasan,  taasoo aanu go’aansanay in aanu gaadhno ILLAAHAY  baana mahad leh,  markaanu  Buuhoodle soo gaadhnay ayay na soo gaadhay in dawlada halkaa ka talisa ee dawlad degaanka   Soomaalida iyo waxgarad kale ay soo gebagebeeyeen”ayuu yidhi C/rasaaq  garaad Soofe.
Isagoo hadalkiisa sii watayna waxa uu yidhi “Haddii aanu dhamaantayo   Buuhoodle nimid-na bulshada waxaanu u qabanay shir balaadhan oo aanu ugu xog waranay,  waxaanu soo qabanay ee nabadeyn ahayd. Sidoo  kale waxaanu ugu baaqnay bulshada in la qaato nabad,  colaaduna aanay cidna waxtar u ahayn,  loona baahan yahay in qoriga la dhigo, oo qoriga horumar iyo waxqabsi,  tacliin,  caafimaad iyo waxkasta oo horumar ahba loo jeesto oo lagu bedelo.”
 
Dhinaca kale garaad C/rasaaq garaad Soofe, waxa uu ka hadlay u jeedadda socdaalkan ay isaga iyo xubaha kale ee salaadiinta ahi ugu baxayaan Taleex. Waxaanu yidhi “Intaas kadib  waxaaanu  gudo-galay arrinta Taleex.  Iyadoo  ay  nala wadaagayaan wax-garadka labada dhinac ee ay wax ka dhexeeyeen, arrintaas oo ah mid culus oo aan fududayn,  hase ahaatee wax-garadka iyo ka salaadiin ahaanba waanu go’aansanay, waxaanuna is-la qaadanay in aanu bisha 1-aad ee sanadka cusub  u ambabaxno Taleex.Fikirkaana  iyadoo isimada beeshu yihiin 13 isim,  halkaana aanu ku joogno 8,  hadana iyadoo aan lagu dhamaan karin mid maqan iyo mid duruuf kale ku maqanba laakiin ka niyad ahaan, iyo ka maskax ahaanba waanu ku midaysanahay. ILLAAHAY-na  waxaanu  ka baryaynaa  inuu nagu soo guuleeyo, cidkasta oo ehel iyo ood-wadaag ah,  oo turxaani dhextaalo  uu beerkooda Burcad isu mariyo.”
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply