Xafladii Arooska Waxay U Joojisay Toob ay Meel Ku Ilowday!

0
395

Hooyo Sacuudiyaan ayaa xafladii arooska wiil ay dhashay oo ka dhacayay magaalada Riyaad u joojisay toob ay xidhan lahayd oo ay ku soo ilawday Magaalada Jidda. Aabaha wiilka dhalay ayaa islaanta ka codsaday inuu halkan uga iibiyo toobkaasi la mid ah, si aroosku ugu dhaco wakhtigaasi laakiin taasi waxa diiday hooyada oo sheegtay inay toobkaasi si gaar ugu tallo gashay arooska wiilkeeda.
 
Markii aabuhu ka quustay inuu ku qanciyo islaantiisa arrinkaasi ayuu isla markiiba goostay inuu tigidh diyaaradeed oo ah Riyaad iyo Jidda goosto si uu isla maalintaasi u soo noqdo oo arooskuna u dhaco waktigiisa, taasi oo dadaalka odayga ay ku suurto gashay.
Dad badan ayaa hooyada ka codsaday in aan aroosku fashilman laakiin hooyada ayaa ku adkaysatay in haddii aan toobkaasi la keenin aroosku aanu dhacayn.

Leave a Reply