Xildhibaan Nacnac Oo Dacaayad Raqiis ah Ku Tilmaamay Eedo Ay Mucaaridku U Jeediyaan Xukuumadda

0
395

Hargaysa (Dawan): Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac),  ayaa wax aan meel-mar ahayn iyo  dacaayado raqiis ah  ku tilmaamay hadalada ka soo yeedhay  xildhibaanada mucaaridka ah ee Golaha Wakiilada, kuwaasi oo uu sheegay in ay  caadaysteen   eedaynta xukuumadda.  Xildhibaan  Nacnac,  oo shalay magaaladda Hargaysa kula hadlay   warbaahinta   waxa kale oo uu sheegay in xukuumadda KULMIYE  ay  qabatay qoddobo   la taaban karo oo aan la qarin Karin, isagoo  carabka ku dhuftay in laga soo gudbay wakhtigii ummadda  lagu  mashquulin jiray wax  aan jirin.
“Waa  dacaayadoodii raqiiska ahayd  ee  weligood-ba ay odhan jireen. Kulmiye waxa uu qabtay indhahaa u macalin ah,  waa wax la taaban  karo. Laakiin hebel baa wax cunay waxaas waanu ka gudubnay,”ayuu yidhi Xildhibaan Nacnac.
Waxa kale oo   uu sheegay xildhibaanku  in aan dalka looga baqaynin  in madaxweyne Siilaanyo uu Soomaali weyn ku darro.
“Ma ragayaga waddanka u soo halgamay ayaa Soomaali weyn  lagu eedaynayaa. Ma madaxweyne Siilaanyo ayaa la leeyahay Somali weyn ayuu doonayaa isagoo labaatan jir ah ayuu duurka u seexday, kuwa waxaas ku hadlaya ayaa doonaya Somali weyn.  Bulshadda Somaliland waxa aan leeyahay nabad-galyada ilaashadda oo feejigo dheeraad ah u yeesha,”  ayuu yidhi  Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye.
Dhinaca kale Xildhibaanku  waxa kale oo uu soo dhaweeyay  xukunkii maxkamad Holland u ku taallaa ay ku xukuntay Daahir Calawsow inuu raali-gelin ka bixiyo qoraalo been abuur ah oo uu ka faafiyay shirkadda DAHABSHIIL.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply