Madaxweynaha Somaliland Oo Xilkii Ka Qaaday Agaasimihii Guud Ee Madaxtooyadda Iyo Marwo Khadra Xaaji Gaydh Oo Loo Magacaabay Xilkaas

0
718

Hargeysa(Dawan)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa xilkii ka qaaday Agaasimihii hore ee Madaxtooyadda Xasan Cabdi Madar, waxaanu xilkaasi u magacaabay Maayar Ku-xigeenkii hore ee Gabiley Marwo Khadra Xaaji Gaydh.
Sidaasna waxa lagu sheegay war-saxaafadeed uu shalay soo saaray afhayeenka madaxtooyadda Jamhuuriyadda Somaliland Md. Xuseen Aadan Cigge (Xuseen Deyr) oo u qornaa sidan:-
“Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo waxa uu Digreeto Madaxweyne oo Summadeedu tahay JSL/M/XERM/249-3757/012016 uu xilkii kaga qaaday Agaasimihii guud ee madaxtooyada sidoo kalena waxa uu magacaabay Agaasime Cusub.
 Madaxweynuhu:- 
Markuu Arkay:Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad, Xarafka (kh) ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
 Markuu Tixgeliyey:Ahmiyadda ay Agaasimayaasha Guud ee Wasaaraduhu u leeyihiin dhismaha Qaranka;
Markuu Arkay:In baahi loo qabo buuxinta jagada Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Madaxtooyada ee JSL;
 Markuu La Tashaday:Madaxda ay khusayso;
 Markuu Ku Qancay:  In ay hanan karto, aqoon iyo kartina u leedahay jagadan;
Wuxuu go’aansaday
In Marwo, Khadra X. Ismaaciil Yoonis (Khadra X. Gaydh), laga bilaabo taariikhda maanta ay ahaato Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland.
Ujeeddo: Xil-ka Qaadis
 
Ku: Mudane, Xasan Cabdi Madar    Agaasimihii Guud ee Hore ee Wasaaradda Madaxtooyada
Mudane, Waxaan kaaga mahadinayaa mudadii aad soo haysay xilka Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Madaxtooyada. Xilalka Qaranka ayey dabcigeeda tahay in ay meerto noqoto oo kolba cid hanan karta loo dhiibo.
Sidaas darteed, waxaan gartay in aan kaa qaado xilka Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland.
Haddaba, waxaan kaa rajaynayaa in aad si niyad sami ah ugu wareejiso xilka aad haysay Marwo, Khadra X. Ismaaciil Yoonis (Khadra X. Gaydh) oo aan xilkaa isaga ah u magacaabay.ALLAA MAHAD LEH.”
 
Geesta kalena, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa Taliye cusub iyo Taliye Ku-xigeen cusub u magacaabay ciidanka Ilaaladda madaxtooyadda Somaliland.
Sidaasna waxa daboolka lagaga qaaday war-saxaafadeed uu shalay  soo saaray afhayeenka madaxtooyadda Eng. Xuseen Aadan Cigge (Xuseen Deyr) oo u dhignaa sidan:-“Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo waxa uu Digreeto Madaxweyne oo Summadeedu tahay JSL/M/XERM/249-3758/012016 uu ku magacaabay Taliyaha Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada iyo Ku xigeenkiisa. Halka Taliyihii hore iyo Taliye ku xigeenkiisiina la bedelay.
Madaxweynuhu:-
Markuu Arkay:Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad, xarafka (d) ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Tixgeliyey:Ahmiyadda ay Ciidanka Ilaalada Madaxtooyadu u leeyihiin dhismaha Qaranka;
Markuu Arkay:In baahi loo qabo buuxinta jagada Taliyaha Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada JSL;
Markuu Ka Fiirsaday:Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo; Markuu Ku Qancay:In uu hanan karo xilkan loo magacaabay;
 
Wuxuu go’aansaday
 
1-      In G/Dhexe, Axmed Daahir Cali, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Taliyaha Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland.
2-      In Dhamme, Axmed Jaamac Ducaale (Alyoos), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland.
 
UJEEDDO:    BEDDEL
 
Ku:G/sare, Axmed Cali Maygaag
Taliyihii Hore ee Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada JSL
 
Og:Taliyaha Ciidanka Booliiska Jamhuuriyadda Somaliland
 
Ku:Dhamme, Cabdi Cismaan Ducaale
Taliye Ku-xigeenkii Hore ee Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada JSL
 
Og:Taliyaha Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland
 
Mudaneyaal, Waxaan idinku mahadinayaa mudadii aad soo haysay xilalka Taliyaha iyo Taliye Ku xigeenka Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland.
 
Sidaas darteed, waxaan gartay in aan idinka  beddelo xilalka Taliyaha iyo Taliye Ku xigeenka Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland.
 
Haddaba, waxaan idinka rajaynayaa in aad si niyad sami ah ugu wareejisaan xilalka aad hayseen G/dhexe, Axmed Daahir Cali oo aan xilkaa isaga ah u magacaabay iyo Dhamme, Axmed Jaamac Ducaale (Alyoos) oo aan xilkaa isaga ah u magacaabay.
 
Waxaan farayaa Taliyaha Ciidanka Qaranka iyo Booliiska Jamhuuriyadda Somaliland inay mas’uuliyiintaa u magacaabaan xilal ku habboon darajadooda.ALLAA MAHAD LEH.”
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply