Xukuumadda Somaliland Oo Sheegtay in ay Sii Kordhayso Tiradda Dadka Gudaha Dalka Ku Barakacay

0
460

Hargaysa (Dawan):  Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa sheegtay in sanad walba ay sii kordhayso tiradda dadka gudaha dalka  ku barakacay, taasi oo ay sababeen abaaraha soo noqnoqday ee dalka ka dhacay sanadihii u danbeeyay.
 
Sababta koowaad ee keentay korodhka barakaca gudaha dalkana ay tahay in marka ay abaarro dhacaan sanado isku xigga in dadkii xoolo dhaqatada ahaa  iyo  kuwii beeralayda ahaa labaduba in ay   u soo hayaamaan dhinaca magaalooyinka.
 
 
Sidaasina waxa sheegay wasiirka wasaaradda dib-u-deijinta Somaliland Cali Siciid Raygal, oo   todobaadkii hore u waramay wargeyska DAWAN.   Waxaanu  tilmaamay wasiirku in mar kasta xukuumadda Somaliland, hay’adaha caalamiga ah iyo hay’adaha islaamiga ah  ee dalka ku sugan ay si weyn ugu dedaalaan sidii loo caawin lahaa dadka goboladda ka soo barakacay iyo kuwa dan yarta ahba,  una  heli lahaayeen  hoy,  cunto iyo adeegyaddaa kale ee nolosha bulshadda aasaasiga u ah.
 
Hase yeeshee ay mar kasta kala badan tahay  tiradda dadka barakacay iyo kaalmadda laga helayo  hay’adaha iyo dawladaha shisheeye. “Dadka IDP’s-ka ah ee dalka gudihiisa ku barro-kacay, way fara badan yihiin. Waxaana laga yaabaa in dhawrkii sanadoodba mar ama laba ay wax dhacaan oo ay soo bataan tiradoodu. Sababta koowaad ee keentay inay sanad walba sii kordhaan dadka gudaha dalka ku  barro-kacay, waa abaaraha had iyo jeer dalka ka dhacaa. Mar kasta oo ay abaari dhacdon, oo ay xooluhu ka baxaan dadka baahiyaha ama beeruhu ay xumaadaan dadka IDP’s-ka ahi way sii bataan, oo dadkii barakac ayaa ku dhacaya.” ayuu yidhi wasiir Cali.
 
Wuxuu sheegay in sanadkii 2015 ay tiro aad u badani ku soo korodhay dadka gudaha dalka ku barakacay. Isagoo arrintaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi  “Sanadkan u danbeeyay ee hadda dhamaaday, ee 2015-ka tiro badan ayaa ku soo korodhay dadka qoxoontiga ah ee gudaha dalka sida goboladda iyo degmooyinka ka soo barakacay.
Dadkaasi gudaha dalka ku barakacay dedaal badan ayaa loo wadaa sidii wax loogu qaban lahaa, hay’aduhu way caawiyaan oo wax badan ayaa lala qabtaa, haddii ay tahay, hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa islaamka ah ee dalka jooga. Xukuumadduna way caawisaa, oo marka ay abaaruhu dhacaan kuwii sanadkii 2015-ka dhacay oo kale  raashin iyo lacag-ba waa lagu caawiyay, iyo waxyaabo ay huwadaan-ba”
Cali Siciid Raygal, waxa kale oo uu sheegay in ay gobolada dalka qaar sida Awdal, Saaxil, Togdheer iyo Maroodi Jeex ka socdaan dhismaha guryo la doonayo in la dejiyo dadka gudaha dalka ku barakacay. Isagoo intaasi ku daray inay sanadkan cusub ee 2016-ka filayaan inay soo kordhaan guryo kale oo loo dhiso dadka gudaha dalka ku barakacay.
“Dhinaca kale, waxaa jira guryo ay dhismeyaashoodu socdaan oo ka socda goboladda Somaliland, Maroodi Jeex, Saaxil, Awdal iyo Togdheer. Guryahaasi, waxaa loo samaynayaa dadka  barakaceyaasha ah ee reer Somaliland. Markaa way socdaan hawlaha dadkaasi IDPs-ka ah wax loogu qabanayo.
Waxaananu filaynaa in sanadkan cusub ee 2016-ka ay soo biiraan guryo kale oo loo dhiso dadka barakacayaasha ah. Hase yeeshee mar walba taageeradda la helayo, ama guryaha la dhisayo iyo barakaceenna ay kala badan yihiin, oo dadka barakacayaasha ah ayaa mar walba ka badan. Hoy-xumana way iska jirtaa, oo dadku sidiisaba, xataa kuwa danyarta ah ee markii horeba magaalooyinka  iska deganaa, ayaan hoy,  haysan, oo iyaga laftoodu barakicii ayay ka mid noqonayaan”ayuu yidhi wasiirka dib-u-dejintu.
 
Inta badan waxaa ka dhacda magaalooyinka dalka in marka guryo la siinayo ama loo dhisayo dadka  IDPs-ka ah,  in qoysas aan danyar ahayn  ama barakaceyaal midnaba  inay hadana buushash iyo cooshado ka dhistaan meelaha laga rarayo qoysaska barakacayaasha ah si ay iyagna uga helaan guryo.
 
Wasiirka  wasaarada dib-u-dejitna ayaanu waydiinay waxa uga qorshaysan wasaaradda  sidii arrintaasi khiyaamada ah wax looga qaban lahaa. Waxaanu ku jawabaay. “Wixii caynkaas oo kale ah sharcigu ma ogola, dadka loogu tallo-galay waa dad baahan, oo u baaahan hoy yo gacan-qabasho. Waxaana jirra gudiyo badan oo wasaaradu ka mid tahay, hay’adaha qaramada midoobay ee arrimaha qoxoontiyada iyo barakacayaashu ka mid yihiin, sida UNHABITAT, dawladaha hoose ee ka jirra marba degmooyinka wax laga dhisayo, ay ka mid yihiin.
 
Wasaaradda  shaqada iyo arrimaha bulshadu ay ka mid thaay, gudiyo badan ayaa arrimahaas u dhisan inay ka shqeeyaan. Marka guryo la dhisayo waa la qorsheeyaa, ee looguma tallo-gelin dad aan ahayn dadka danyarta ah, dad aan  ahayni inay ka qaybgalaan”. Ayuu yidhi Cali Raygal.
Isagoo hadalkisia sii watayna, waxa uu yidhi “Waxa kale oo soo raaca, dadka guryaha  dawlada degan, oo marka ay dawladu guryahaas u baahato,  inay baneeyaan waliba dadkaasi shuruucdo ayay leeyihin, oo haddii qof ka mid ahi uu guri kale leeyahay, oo uu dhistay, ama uu hanti  leeyahay, ama uu yahay qof wax  haysta waa in uu isagu wixiisa qabsadaa.  Laakiin  kuwo barakacayaasha lagu darayaa waa qofka iska danyarta ah, ee hadana dawladda u shaqeeya, guryihii dawladana ku jira, waxna aan dhisan Karin, waxna aan qabsan Karin, hantina aan haysan.  Si  guryaha dawlada loo isticmaalo, waa laga rari karaa meesha, oo waa la gayn karaa guryaha loo dhisayo dadka barakacayaaha ah.Laakiin, waxaa koow ka ah dadka danyarta ah, ee masaakiinta ah, ee barakacu ku dhacay. Balse haddii ay soo baxaan in dad aan danyar ama IDPs ahayni ay ka qayb qaataan guryaha loo dhisay.  Sharci  waxa ah in la baadho  oo laga reebo, waana in aanu ka qayb qaadan qof xoog leh ama wax haystaa. Haddii ay jiraana waanu baadhi doonaa, oo waa laga saari doonaa”.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply