Qiso: Dareenka Caruurta Iyo Muranka Waalidka!

0
658

Macalin fasalka koowaad ee dugsiga dhiga ayaa ardayda markii uu siiyay xiisadda diinta ahayd ku yidhi “Arday kasta warqad haku soo qoro waxa uu jecel yahay inuu Allah (sw) ha rumeeyo”.
Ardayda yaryar mid ka mid ah ayuu ku soo qoray “Allahayow , Aabahay iyo hooyaday ay heshiiyaan”.  Hadda waad garan kartaa dhibaatada uu caruurta ku hayo waalidka mar kasta hortooda isku dilaya kuna murmaya. Wiilka yar markii la baadhay waxa la ogaaday in labadiisa waalid ay ka dhaxaysay muran iyo dagaal joogto ah.
Maalin kale nin macalin ah ayaa ardaydiisa fasalka koowaad uga waramay maalinta qiyaamaha iyo isbedelka dhacaya,  wuxuuna  sheegay in dhulka iyo cirka la duubayo, dadkuna wada dhimanayaan. Wiil yar oo ardayda kamid ah ayaa weydiyey su’aasha ah “Macalin maalintaas dugsi ma fasaxbaa”. Sidaasi ayay caruurtu niyadda ugu hayaan fasaxa. Fasaxuna waa qayb waxbarashada ka mid ah.

Leave a Reply