Magdhow Ayaa laga siiyay Xadhigii Dheeraa Ee Beenta ahaa!

0
530

Maxkamad ku taalla dalka Maraykanka  gobolka Ohio ayaa nin u dhashay dalkaasi oo muddo 39 sano ah ku xidhnaa denbi aanu gelin magdhow  ahaan u xukuntay lacag dhan hal alyuun oo doller. Maxkamadda ayaa sheegtay in Reick Jackson uu noqday  qofkii ugu dheera ee u xidhanaa denbi aanu gelin.
 
Jackson ayaa la xidhay sanadkii 1976 wakhtigaasi oo loo haystay inuu dilay nin u dhashay dalkaasi. Waxaana wakhtigaasi sheegay inuu isaga yahay wiil yar oo 12 jir oo arkayay dilka dhacay. laakiin haddana wiilka yar ayaa mar danbe ka noqday oo sheegay in aanu arkayn qofkii dilay.

Leave a Reply