Cisbitaalka Maskaxda Hargeysa Oo Baafinaya Ehelada Dad Waalan Oo Ay Hayaan

0
424

Hargeysa (Dawan)- Maamuulka cisbitaalka guud ee Maskaxda  magaalada Hargeysa ayaa baafinaya ehelada iyo ciddii kale ee garanaysa afar nin oo xanuunsanaya, kuwaasi  oo lagu hayo  cisibtilaalkaas.
Faysal Ibraahim aadan oo ka mid ah maamulka cisbitaalka Maskaxda  magaalada Hargeysa oo la hadlay Wargeyska DAWAN,  ayaa faah-faahin ka bixiyay afar nin oo ku xidhan cisbitaalka isla markaana aan haybtooda iyo  eheladooda toona la garanayn.  “Dadka xanuusanaya ee waalani waa ay iska socdaan, meel walbana waa ay maraan, dadkoodiina intaa waa ay ku daalan yihiin,oo waa ay raadinayaan, qaar badan oo imika la raadinayo ayaa jira, qaar badan oo imika aaanu annagu hayno ayaa jira. dadkoodina laga yaabo inay baafinayaan oo ay daydayayaan,”ayuu yidhi Sarkaalka ka tirsan cisbitaalka Maskaxda ee Hargeysa.
Faysal Ibraahim oo ka hadlayay mid ka mid ah afar qof oo aanay dadkoodii garaynin waxa uu yidhi “Khadar Maxamad Axmed oo ka mid ah dadkan xanuunsanaya, waa da’da u dhaxaysa 24 Ilaa 25-Sanno jir, waa nin madow oo dhuuban oo aan hadlaynin, waxaa uu sheeganayaa inuu Oromo yahay. waxaa kale oo uu sheegay inuu ku socday walaashi oo uu sheegay inay gasho xaafada Daami, waxaaana noo keenay niman ganacsato ah oo uu gidaarkooda seexan jiray,oo aanu waxba ka qaadan jirin kaas oo isaga oo bakhtiyaya oo aad modoo qalfoof noo keenay, maanta xaaladiisa nololeed way wanaagsan tahay maalintaa uu noo yimid magac iyo waxba toona muu sheegayn illaa haddana dadkiisii ma hayno.
Maxamad Maxamuud Geedi waa nin xanuunsan oo ah da’da u dhaxaysa 26, Illaa 27-Sanno jir, waxaanu cisbitalkan Maskaxda  ku jiray muddo 5-Sannadood ah, midabkiisu waa madaw, waa nin buuran oo indho waaweyn, waxaanu sheegay inuu dalka Itoobiya ka yimid, gaar ahaana Magaalada Qabri-bayax , waxaa noo keenay  ardayda dugsiga sare  ee Faarax Oomaar, ka dib markii ay arkeen inuu gidaar cidla ah gaajo ugu bakhtiyayo, sidaas ayaanu halkan ku yimid, imika jidh ahaan iyo maskax ahaanba waa uu dhisan yahay oo  waa uu dhaqdhaqaaqayaa.”
 
“Muxiyadiin Maxamad Cumar, waa nin xanuunsanaya, da’diisuna waa 28-Sanno jir, waxa  ka  go’an lugta bidixda iyo gacanta midigta, magaalada Hargeysa ayaanu  gaadhi ku jiidhay 2-Sanno muddo ku dhowna waanu haynaa, meel uu   ka yimid iyo meel uu deegaankiisu ahaa toona ma garanayno iyo magaciisa oo sax ah xataa ma sheegaayo. Waxa  ninkan noo keenay qoladii jiidhay oo is yidhi bal inta cidi sheeganayso ee ciddi u imanayso halkan dhakhtarka maskaxda  ha joogo. lugta iyo gacantana waxaa lagu jaray dhakhtarka weyn. nabarkuna waxaa uu ka soo gaadhay gaadhiga jiidhay hase ahaatee markiisa hore nin laxaad qaba ayuu ahaa, luuqada uu ku hadlayaana waxaa ay u eeg tahay Itoobiyaan,” ayuu yidhi Faysal Ibraahim Aadan.
 
Faysal Ibraahin waxa kale oo uu sharaxaad ka bixiyay qofka afraad ee ay baafinayaan waxaanu yidhi “Kidiye waa nin maariin dhalaal xiga ah, da’ahaana waaa illaa 30 sanno jir, isaga oo meel kudaafad ah fadhiya ayaanu ku soo kaxaynay, oo bool uu gacanta gashaday laba farood jaray, luuqad ahaana waxaanu ku qiyaasnay inuu yahay reer Buuhoodle, markaa meel gudaafada oo cidlo ah ayuu iska fadhiyay sidaasaanu halkan ku yimid. markaa ninkan iyo nimankan kaleba  ciddii ay ka maqan yihiin ha ugu soo hagaagto cisbitaalka guud ee maskaxda  ee Magaalada  Hargeysa, markaa waxaanu hayna toban ama shan aan cidba laheyn.”
 
Faysal waxa uu ka warbixiyay  dadka ay meesha ku hayaan cida dhaqaale ahaan ka caawisa iyo inta ay tiradoodu dhan tahay waxaanu yidhi  “Wasiirka Maaliyad marwo Samsam Cabdi Aadan iyo dadka jaaliyadaha ee reer Somaliland ayaa na caawiya oo imikaba bustayaashan cusub ee ay dhaxanta  ka huwanayaan  iyo culimadda  kala duwan ee magaalada Hargeysa ayaa u keenay badina dadka halkan ku xidhan ee maskaxda  wax ka qaba waa dad dan yar ah oo aan haysan awood dhaqaale, waxaanu  jeclaan lahayn dadkaa aan ciddina u maqnayn, ceelna u qodnayn.  tirada raga ee cisbitaalkan ku jiraana waa 74 halka dumarkuna yihiin 36 in badan baana ku caafimaaday dhakhtarkan.”
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply