Dawladda Hoose Hargaysa Oo Soo Iibsatay Qalab Iyo Gaadiid Casri Ah Oo Lagu Dhisayo Jidadka Iyo Kaalinta Ay ka Qaadan Karaan Bilicda Caasimadda

0
495

Hargeysa(Dawan): Dawladda hoose ee caasimadda  Hargeysa ayaa soo iibsatay qalab lagu dhisayo wadooyinka    kaasi oo ah wershad isku qasaysa Daamurka iyo Jayga iyo gadiidkii ka shaqaynayay, qalabaasi oo laga soo iibiyay  dalka Itoobiya.
Qalabkan dhismaha ee ay soo iibsatay dawladda hoose ee Hargaysa oo shalay  soo gaadhay caasimadda ayaa noqonaya  qaybtii labaad ee  qalabka dhismaha wadooyinka oo ay soo iibsato dawladda hoose ee caasimadda.Waxaana markii uu qalabkani soo gaadhay magaaladda Hargaysa,   xarunta madaxtooyadda horteedda oo lagu hakiyay warbaahinta ugaga warbixiyay   gudidda bilcida caasimadda Hargaysa, xubno  ka tirsan golaha wasiirradda   iyo masuuliyiinta dawladda hoose ee Hargeysa.
Maayarka Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco), ayaa  ka warbixiyay  qalabkan iyo noocyadiisa. Waxaanu sheegay in qalabkani uu noqonayo wejigii labaad ee soo gaadha Hargaysa, iyadoo sanadkii hore  la keenay qaybo ka mid ah qalankani. C/raxmaan Soltelco, oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi   “Qalabka  halkan maraysaa waa wejigii labaad ee qalabka dhismaha waddooyinka. Waxaa  halkan marayaa waa  wershaddii Jayga ridqaysay oo 150 tan  soo saaraysa saacadiiba. Waxaana  hore u yimid iska-rogooyinkii, Beldhowsartii, Bayfartii  iyo iskaafeetarkii”. Maayarka ayaa sidoo kale waxa uu u mahad  celiyay madaxweynaha  Somaliland, wasiirka maaliyadda, wasiirka arrimaha gudaha iyo marwada koowaad  oo uu sheegay in ay gacan ka gaysteen  dedaalkii  qalabkan lagu soo iibiyay.
Dhinaca kale, wasiirka maaliyadda, marwadda koowaad iyo wasiirka arrimaha gudaha oo ka mid ah gudidda bilicda caasimadda  ayaa uga mahad naqay  masuuliyiinta dawladda hoose ee Hargaysa qalabkan cusub ee ay soo iibsadeen, kaasi oo ay tilmaameen in uu wax weyn ka tari doono  dhismaha jidadka guud ahaan dalka  gaar ahaana caasimadda.
 
Wasiirka maaliyadda marwo Samsam Cabdi Aadan, oo halkaasi  ka hadashay ayaa sheegtay in qalabkani uu  astaan u yahay in Somaliland oo aan la aqoonsan ay hadana  wax-qabsan karto. “Waxa kale oo ay astaan u tahay in cashuurta laga qaadayo  gaadiidka iyo dadku ay dib ugu noqonayso wadooyinkii la mari lahaa. Madaxweynuhu wuxuu nagu hoggaamiyaa in wadanka horumar la gaadhsiiyo, tana waxay ka mid tahay horumarkii. ILLAAHAY   ayaynu ugu mahadnaqaynaa, waxaynu uga mahadnaqaynaa sidoo kale Maayarka oo fikiray oo soo helay sidii aynu lacag jaban ugu heli lahayn qalabka waayo? Toban milyan oo dollar kama yaraateen  haddii aynu meelo kale ka raadin lahayn” ayay tidhi Marwo Samsam.
Sidoo kale  wasiirka arrimaha gudaha   Cali Maxamed Warancadde, ayaa keenitaanka qalabkan  ugaga  mahadnaqay madaxweynaha iyo marwada qaranka oo uu sheegay inay ku hawlan yihiin wanaajinta bilicda magaalooyinka Somaliland.  “Waxaan u mahadnaqayaa maayarka, xoghayaha iyo golaha degaanka, waxaanay raggaas oo maayarku ugu horreeyaa suuro galiyeen dhaqaalaha qalabka lagu soo iibiyay. Waxaan u mahadnaqayaa wasiir Samsam oo bixisay lacagtii u horaysay oo hal milyan oo Dollar ah.  Waxaan filayaa inay dhammaan muuqaalka magaalooyinka Somaliland dhawaan is-bedeli doonaan oo Hargeysa ugu horrayso. Waxayna  noqon doonaan qalabkan marka Hargeysa lagaga shaqeeyo mid gobollada kale u gudba”ayuu yidhi Cali Waran Cadde. Marwadda  koowaad  Aamina Sheekh Maxamed Jirde (Aamina-weris),   oo ugu dambeyn halkaasi ka hadashay  ayaa wax lagu farxo ku tilmaantay in dawladda hoose ee Hargaysa  ay soo iibsato qalab noocani ah.Waxaanay tidhi  “Runtii arrinta halkan ka dhacday,  waa wax lagu farxo. Soomaalidu waxay tidhaahdaa   huggaaguna wuu kula baryo tagaay’e.   Hargeysa waa caasimadii Somaliland, Hargeysa quruxdeeda, bilicdeeda, nadaafadeeda iyo habka ay u samaysan tahay waa waxaynu ku faanayno oo sharafteena, gobonnimadeena iyo ictiraafkeena soo dedejin karta.”
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply