Maayarka Caynaba Iyo Afar Qof Oo Kale Oo Ku Dhaawacmay Shil Baabuur

0
431

Caynaba (Dawan): Maayarka magaaladda  Caynaba ee xarunta gobol Saraar,  ayaa shalay shil baabuur ku galay  meel  u dhaxaysa  degaamadda Oog iyo Ceel-dhaab, waxaana shilkaasi ku dhaawacmay  maayarka Caynaba iyo afar qof oo kale, kuwaasi oo kala ahaa  xoghayaha dawladda hoose ee Caynaba, xildhibaan Abokor Shidde Cali oo ka tirsan golaha degaanka Caynaba, weriyihii TV-ga qaranka ee magaaladda Caynaba Jaamac Boode-cade, iyo sidoo kale derawalkii baabuurka maayarka. Baabuurka maayarka ayaa la sheegay in uu qayb ka ahaa, xubno soo dhawaynayay wefti odayaal ah oo ka socday  gobolka Buuhoodle, oo shalay lagu soo dhaweeyay magaaladda Caynaba.Waxa  la sheegay in dadkii shilkaasi ku dhaawacmay dhawaacoodda la geeyay cusbitaalka magaaladda  Caynaba, halka laba xubnood oo dhaawacoodu cuslaa loo gudbiyay dhinaca cusbitaalka magaaladda Burco halkaasi  oo lagu daawaynayo.
Guddoomiyaha gobolka Saraar Cali Maxamed   Faarax, ayaa warbaahinta uga warbixiyay shilkaasi iyo khasaarihii ka dhashay. Waxaanu yidhi “Saaka (shalay subax), anagoo ka mid ahayn wefti ka hor tegayay duqay  ka imanayay Buuhoodle,  ayaa waxaa ku dhacay inta u dhaxaysa Oog iyo Ceel-dhaab,   taayir  ayaa u baxay gaadhiga.  Cidi  kuma dhiman, balse shan qof ayaa ku dhaawacmay, oo maayarkii Caynaba ka mid yahay, iyo xoghayihii dawladda hoose ee Caynaba. Waxaanau cusbitaalka Burco u qaadnay  xildhibaan Abokor iyo derawalkii  maayarka oo dhaawacoodu aad u  culus yahay.”
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply