Dhahar(Dawan): Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa ku dhawaaqday in ay dibada ka dalbatay khuburo heer caali ah oo baadhitaan ku samaysa Haan ku soo caariday xeebaha gobolka Sanaag gaar ahaan degmada Laaso-Surad meel u jirta 20KM.
Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Cali Faarax Buureed, oo xalay khadka telefoonka ugu waramay DAWAN, isagoo ku sugan magaaladda Dhahar. Waxaanu intaa ku daray in ka Xukuumad ahaan ay dedaal u galeen in ay si dhakhso ah u ogaadaan Haantaasi ku soo caariday xeebaha Sanaag waxay tahay iyo taasi oo uu tilmaamay in ay khatar ku tahay dadka iyo degaanka.
Cali Buureed, waxaa kale oo uu ka hadlay xaaladda abaareed eek a taagan degaanada gobolkaasi iyo guud ahaan dalka Somaliland. Waxaanu bulshada u soo jeediyay in ay Rabbi baryaan oo ay iyagu dhexdoodda isa-saamaxaan salaad roob doon ahna oogaan.Wasiir Buureed, oo ka hadlayay arrinta Haanta ku soo caariday xeebaha gobolka Sanaag waxa uu yidhi “Marka wax soo kordhaan talaabada ku habboon ayay dawladdu ka qaadataa, dalkana wax kasta oo ku soo kordha waa la og yahay, oo waa lala socdaa. Haantan oo looga shakisan yahay in ay noqon karto shay sun lagu soo mooriyay, ayaa u baahan in baadhitaan rasmi ah lagu sameeyo isla markaana la ogaado waxa ku jira, ee Haantan ku moorsan. Waxa kale oo lagama maarmaan ah in baadhitaan lagu sameeyo in ay jiraan kuwo kale oo la mid ah, oo baddeena ku hadhsan iyo in ay tan oo keliya ahayd.”
Mar uu ka jawaabayay Wasiirku Su,aal aanu ka waydiinay cidda ay dawladdu u dirayso ee khuburada ahi halka ay ka imanayaan, waxa uu ku jawaabay “Wasaarad ahaan iyo ka Xukuumad ahaanba waanu qaadnay tallaabadaa, Khubaradii ku habboonayd ee Haantan baadhitaanka ku samayn lahayd imikana waxaa la sugayaa in ay yimaadaan oo keliya oo ay dhakhso u soo gaadhaan goobta ay haantu taallo. Waxa keliya ee dib u dhacooda keenayna waa sanadka cusub munaasibadihiisii iyo fasaxyo ay galeen. Laakiin imika deg deg ayay dalka u soo gaadhayaan, waxaanay ka imanayaan dalka Jabuuti. Waxa kale oo aanu doonaynaa in aanu hubino in Haamo kale oo sun sidaa in ay ku jiraan badda degaanka ay ka soo caariday ee Somaliland si aanay waxyeello iyo dhibaato uga soo gaadhin noolaha Badda ku jira iyo dadkeena midnaba”ayuu yidhi wasiir Cali Buureed. Dhinaca kale wasiirka oo aanu wax ka waydiinay u jeedadda socdaalka uu ku joogo Dhahar, waxa uu yidhi “Anigu ma ogi meel qofka iyo masuuliyadda uu hayaa ay ku kala hadhaan iyo meel la sii dhigto xilka qaran ee qofku hayo, aniguna dhuumasho iyo is-qarin halkan (Dhahar) kuma joogo. Laakiin anigoo ah Wasiir Qaran oo ah wasiirka Kalluumaysiga iyo Khayraadka badaha ee Somaliland ayaan hadda Dhahar ku suganahay. Dhahar-ina waa Somaliland, horena way u ahayd imikana way tahay, waanay ahaanaysaa inta dunidu jirto.” Ugu dambayn waxaa uu ka hadlay Wasiir Cali Faarax Buureed Abaaro baahsan oo dad iyo duunyaba asiibay isla markaana si ba’an uga jira dalka oo dhan gaar ahaan degaanka gobolka Badhan oo ay ka tirsan tahay degmada Dhahar. “Degaanka abaar baahsan ayaa ka jirta, oo dad iyo duunyaba asiibtay degaankana abaartii ugu darnayd ayaa ku dhufatay, markaa waxaan ALLE ka baryayaa in uu ummadda u naxariisto oo uu raxmaadkiisa ugu deeqo Bulshada gobolka Badhan iyo guud ahaan Umadda reer Somaliland waxaan kula dar daarmayaa in ay is wada cafiyaan oo ay RABBI u soo noqdaan Salaad Roob doon ahna ay oogaan”ayuu yidhi Wasiirka Kalluumaysiga.
Dawannews Hargeysa office