Wasaaradda Ganacsiga Oo Golaha Wakiiladda Ka Dalbatay Inay Ansixiyaan Xeerka Maal-gashiga Caalamiga ah

0
591

Hargeysa (Dawan): Wasiir ku-xigeenka wasaaradda ganasiga iyo maal-gashiga caalamiga ah ee Somaliland  Kaysar Cabdilaahi Maxamed,  ayaa ugu baaqay  golaha Wakiiladda   in ay ansixiyaan xeerka maal-gashiga caalamiga ah. Kaas  oo in muddo ah hor yaalay golaha wakiilada. Wasiir ku-xigeenku waxa uu sidaa ku sheegay kulan ay shalay la yeesheen masuuliyiinta wasaaradda ganacsiga guddi hoosaadka  dhaqaalaha ee golaha Wakiiladda.
“Waxaanu rejaynaynaa in sida ugu dhaqsaha badan xeerkan golaha loo soo hor dhigi doono, lana ansixin doono hadii Alle yidhaa.  Waxaanu gudida ugu nimi sidii aanu u dareen siin lahayn in xeer baahida loo qabo meel marinta xeerka maalgashiga caalamiga ah iyo guud ahaan ganacsigeenaba.Wasaarad ahaan waxaanu aad iyo aad ugu faraxsanahay in guddidii dhaqaalaha ee golaha wakiiladu nala qaateen, nagalana shaqayn doonaa sidii xeerkaas golaha wakiiada loo soo hordhigi lahaa” ayuu yidhi wasiir ku-xigeenka wasaaradda ganacsiga. Dhinaca kale, gudoomiyaha guddida dhaqaalaha ee golaha Wakiilada xildhibaan Cumar Sanwayne,  ayaa  isna dhankiisa waxa uu  sharaxaad ka bixiyay  kulankaas  ay la yeesheen masuuliyiinta wasaaradda ganacsiga.  Waxaanu  yidhi “Kulankan aanu la yeelanay masuuliyiinta wasaaradda ganacsigu waxa uu ku saabsanaa sidii aanu ugala shaqatyn lahayn xeerka maalgashiga ee hor yaala golaha wakiilada. Markaa waxaanu wasaaradda u balan qaadnay in aanu si fiican ula shaqayn doono. Masuuliyiinta wasaaradda waxaaanu isla garanay in aanu dar-dar galino kana hawl galno sidii xeerkaas golaha wakiiladu u meel marin lahaayeen.”Si kastaba ha ahaatee,  Xeerkan maalgashiga caalamiga ah  waxay wasaaradda ganacsigu sheegtay in baahi aad u weyn loo qabdo, maadaama oo dalku u baahan yahay inuu helo maalgashi caalami ah.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply