Mr. Leonard George Casley wuxu dhashay sanadkii 1925, waxaana uu leeyahay beer weyn oo laga soo saaro Sareenka oo qiyaas ahaan dhan 517 km2 , waxay ku taalla dalka Australia. Bishii April 21, Sanadkii 970 ayay dawladda Australia soo saaratay sharci ay dhibsadeen gancasatada beeralayd ahi kaasi oo culays weyn saarayay ka gacnacsiga sareenka. Waxaana uu sanadkaasi Leonard George Casley ku dhawaaqay in beertiisu ay ka go’day dalka Austerliya oo ay noqotay dal ka madaxbanaan madaama aanay waxba uga baahnayn.
Leonard George Casley ayaa isla markiiba bilaabay dhisme gidaar dayr adag oo uu ku soo xeerayo beertiis iyo calan u gaar ah dawladiisa cusub. Waxa kale oo uu soo daabacay lacag u gaar ah, waxaana uu isugu yeedhay inuu yahay boqorka dawladda cusub Prince Leonard ama boqor Leonard.
Waxa kale oo uu sheegay in gabadhiisu iyana ay tahay boqorad Princess Shirley. Sanadkii 1977 ayuu iclaamiyay inay la dagaalamayaan dawladda Austerliya , laakiin ciidankii Australia ayaan iyagu danba ka gelin boqor Leonard hadalkiisa.
Muddo yar ka dibna wuxu shaaciyay inuu guulaystay oo ay ka baqdeen ciidankii Australia, iyadoo warakiisana lagu soo daabacay dhamaan wargeysyada dalka gudihiisa oo dhan. Islaantiisa Princess Shirley ayaa dhimatay bishii July 7, sanadkii 2013. Laakiin isagu waxa uu dhintay 13 febeweri sanadkii 2019 iyadoo caasimaduna ay tahay magaalada Nain, waxaan loo yaqaana gooni u goosadka yar ee Webiga Hutt (Principality of Hutt River Micronation).
Leonard George Casley Geeridiisa ka dib, wiilkiisa Graeme Casley ayaa hoggaanka la wareegay, balse waxaa jiray deymo cashuureed oo malaayiin doolar ah oo ay dalbanaysay Hay’adda Canshuuraha Australia (ATO). Ugu danbayn 2020 ayaa dib ula midowaday Austerliya iyadoo taasi aanay ahayn mid xoog iyo hasab laga dhigay. (Wikepedia.com)




















